Saturday, August 16, 2025

Shiinaha oo baaqa aqoonsiga Somaliland ku tilmaamay faragelin

Muqdisho (Dawan) – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay hadal uu jeediyay Senator Mareykan ah oo ku baaqay in la aqoonsado Somaliland, iyadoo ku tilmaantay weerar been abuur ah oo ka dhan ah Shiinaha iyo faragelin lagu hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Bayaanka uu soo saaray afhayeenka safaaradda maanta ayaa lagu sheegay in warqadda Senator-ka ay tahay “faragelin culus oo lagu sameeyay arrimaha gudaha ee Soomaaliya,” isla markaana ay muujinayso waxa uu Shiinuhu ugu yeeray dabeecad “isku qasbin iyo cagajugleyn” oo ka tarjumaysa siyaasiyiin Mareykan ah.

Safaaraddu waxay ku celisay taageerada Shiinaha ee midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo soo xigatay mabaadi’da ku cad Axdiga Qaramada Midoobay oo ay ka mid yihiin ilaalinta madax-bannaanida iyo inaan la faragelin arrimaha gudaha ee dowladaha kale. “Shiinuhu waligiis kuma farageliyo arrimaha gudaha ee waddamada kale, mana aqbalo in cid kale ku farageliso arrimihiisa gudaha,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hadalladan ayaa yimid xilli uu Senator-ka Mareykanka warqad u diray Aqalka Cad, kuna dalbaday in Somaliland si rasmi ah loo aqoonsado, arrin ay dowladda Soomaaliya si cad marar badan ugu sheegtay mid dhaawacaysa madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here