Muqdisho(Dawan ) – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa Isniintii uga digay Somaliland heshiiska cusub oo ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Taiwan, kaas oo ku saabsan iskaashi dhinaca ilaalinta xeebaha. Shiinuhu wuxuu ku tilmaamay tallaabadan mid liddi ku ah mabda’a “Shiinaha kaliya” isla markaana khatar ku ah nidaamka caalamiga ah.
Afhayeenka safaaradda ayaa sheegay in heshiiskaasi uu dhaawacayo midnimada dhuleed ee Shiinaha, wuxuuna ku eedeeyay Somaliland inay isku dayeyso inay sharciyad siyaasadeed ka raadiso xiriirka ay la yeelaneyso Taiwan — arrin uu Shiinuhu ku tilmaamay “hunguri aan micne lahayn”.
“Waxaa jirta oo kaliya hal Shiinaha ah, Taiwan-na waa qeyb aan la kala goyn karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha,” ayuu yiri afhayeenka safaaradda. “Dowladda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waa dowladda kaliya ee matasha Shiinaha oo dhan.”
Waxa uu sidoo kale xusay in Taiwan “waligeed aysan ahayn dal, mana noqon doonto mustaqbalka,” isagoo tixraacay heshiisyo caalami ah sida Bayaankii Qaahira ee 1943, Heshiiskii Potsdam ee 1945, iyo Qaraarka Qaramada Midoobay ee 2758 ee sanadkii 1971, kuwaas oo dhamaantood xoojinaya sheegashada Shiinaha ee Taiwan, isla markaana meesha ka saaraya suurtagalnimada labo Shiinaha ama Shiinaha iyo Taiwan kala duwan.
“Somaliland waa qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka, isagoo si adag uga digay xiriir kasta oo rasmi ah ama xarumo matalaad ah oo Somaliland iyo Taiwan ay is waydaarsadaan. “Waxaan ugu baaqaynaa maamulka Somaliland inuu ka fogaado ficillo is-halis galin ah oo ka hor imaanaya taariikhda iyo xaqiiqada.”
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Somaliland iyo Taiwan ay dhawaan si rasmi ah u saxiixeen heshiis iskaashi oo dhinaca Ilaalinta Xeebaha ah, xilli aysan jirin wax aqoonsi caalami ah oo labada dhinac midkood helay — mana aqoonsana Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, ama Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo leh xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa la leh Shiinaha.
Dowladda Shiinaha ayaa mar kale muujisay taageeradeeda midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay in heshiisyada noocan oo kale ah ay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka iyo nidaamka caalamiga ah.