Muqdisho, Soomaaliya – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si xooggan u taageertay go’aanka ay dhawaan qaadatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in la mamnuuco gelitaanka, bixitaanka, iyo gudubka dadka wata dukumentiyada socdaalka ee ay bixiso Taiwan. Go’aankan ayaa loo cuskaday dastuurka Soomaaliya iyo Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2758.
Bayaanka Safaaradda Shiinaha ayaa lagu caddeeyay in Taiwan ay tahay qeyb aan ka go’i karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha, iyadoo lagu dhaleeceeyay dhaqdhaqaaqyada gooni-u-goosadka ee ay Taiwan wado.
“Taiwan weligeed ma noqon dal, mana noqon doonto,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka
Taiwan ayay ku eedeysay in ay kicinayso dareenka gooni-u-goosadka Somaliland, taasoo ay ku tilmaameen Shiinaha mid halis gelinaysa nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, isla markaana faragelin ku ah arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Shiinaha ayaa Soomaaliya uga mahadcelisay tallaabada ay qaaday ee ay ku taageerayso mabda’a Shiinaha ee ah halka wadan, waxayna ballanqaaday taageero buuxda oo ay siineyso midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Warsaxaafadeed wuxuu sheegay in Somaliland ay qeyb ka tahay dhulka Soomaaliya, isagoo cambaareeyay xiriirka rasmi ah ee ka dhexeeya Taiwan iyo Somaliland oo uu ku tilmaamay sharci-darro iyo mid carqaladeynaya xasiloonida.