Monday, May 12, 2025

Daahfurka Shir Lagaga Hadlay Tayada Waxbarashada ee Jigjiga

Jigjiga, DDS – Magaalada Jigjiga, caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), ayaa waxaa ka qabsoomay shir muhiim ah oo lagu falanqeeyay caqabadaha ka jira dhanka waxbarashada, laguna raadinayay xalka suurtagalka ah ee lagu horumarin karo tayada waxbarashada gobolka.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen barayaal iyo maamullo dugsiyeed, ayaa lagu gorfeeyay doorka macallimiinta iyo maamulka dugsiyada ee kor u qaadista tayada waxbarashada. Waxaa sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xafiiska Waxbarashada DDS iyo maamulka magaalada Jigjiga.

Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Waxbarashada DDS, Dayib Maxamed Jaamac, ayaa kulanka ka sheegay in loo baahan yahay in la keeno qorshe cad oo lagu saxayo dulduleellada ka jira nidaamka waxbarashada. Wuxuu yiri:

“Ardayda aan gacanta ku hayno 60-70% inaan gudubno ayaan rabnaa, si musuq maasuq ay ugu gudbaan ma rabno. Intaa waxaa dheer, arday badan ayaa sanadkan qaadanaysa barashada onleenka, barbaarintuna way socotaa.”

Dhankiisa, Duqa Magaalada Jigjiga, Shaafi Axmed, ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhaxal-galka ah ee u dhaxeysa maamulada dugsiyada iyo Xafiiska Waxbarashada, si kor loogu qaado tayada waxbarashada guud ahaan deegaanka.

Shirarka noocaan oo kale ah ayaa noqday kuwa joogto ah oo magaalada Jigjiga lagu qabto, iyadoo inta badan lagu falanqeeyo xal u helidda dhibaatooyinka ka jira dhinacyada kala duwan ee nolosha bulshada, gaar ahaan waxbarashada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here