Thursday, July 17, 2025

Shirweynaha dhamaystirka SSC-Khaatumo oo ka furmaya Laascaanood

Laascaanood(Dawan) – Shirweynaha dhamaystirka ee dhismaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta lagu wadaa  in uu si rasmi ah uga furmo magaalada Laascaanood, iyadoo wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay goobjoog ka yihiin furitaanka.

Wafdiga dowladda federaalka oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Cabdillaahi Cali Xirsi, ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali-Xoosh, xubno wasiiro kale ah, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

“Waxaan u nimid inaan ka qeybgalno dhamaystirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo.) ayuu yiri Wasiir Cali-Xoosh.

Shirkan oo ka dhacaya gudaha magaalada Laascaanood, ayaa diiradda lagu saaraya hirgelinta hannaanka maamulka, dejinta habraacyo sharciyeed, iyo diyaarinta dariiq loo maro dhismaha dastuurka maamulka cusub.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa wafdiga si rasmi ah u soo dhaweeyay, isagoo sheegay in shirweynahan uu xoojin doono xiriirka ka dhexeeya SSC-Khaatumo iyo Dowladda Federaalka.

Si kastaba ha ahaatee, shirkan ayaa wajahaya muran iyo diidmo siyaasadeed. Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine), oo ah hoggaamiye ku-xigeenka SSC-Khaatumo iyo musharrax u taagan xilka madaxweynaha, ayaa si cad uga hor yimid qabsoomidda shirweynaha, isagoo sheegay in uu hoggaanka hadda jira ku tuntay sharciyaddii maamulka.

“Hoggaamiyaha Khaatumo wuxuu ku tuntay sharciyadii,” ayuu yiri Maxamed Cabdi.

Sidoo kale, musharraxiin kale ayaa dhaliilay habka loo maamulay diyaargarowga shirka, iyagoo sheegay in uu yahay mid aan loo dhammayn.

Shirweynahaan ayaa ka mid ah jadwal ay horay u dejisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, kaasoo lagu wado in geeddi-socodka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo lagu soo gabagabeeyo inta lagu jiro bisha Luulyo 2025.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here