Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey, Xeerka Doorashooyinka iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagi doono hannaanka doorashooyinka soo socda ee dalka.
Sharciyadan ayaa shacabka Soomaaliyeed u suurtagelinaya inay si toos ah usoo doortaan madaxda metali doonta. Inkasta oo aan la horgayn weli Baarlamaanka, hadana Madaxweyne Xasan iyo xukuumaddiisu waxay u xusul doobayaan inay dalka ka hirgeliyaan doorasho hal qof iyo ha cod ah oo ka dhacda dhammaan deegnaada Soomaaliya.
Doodo badan ayaa ka taagan dhaqangalka xeerarkan balse aan soo qaadano qaar ka mid ah qodobada ugu muhiimsan.
Sidee loosoo dooran doonaa Madaxweynaha iyo labada Aqal ee Baarlamaanka ?
Qodobka 12-aad ee Hindise sharciyeeda doorashada qaranka waxa uu ka hadlaya sida loo dooranayo madaxweyna soo socda ee dalka kaas oo ay ku tartami doonan seddexda xisibi qaran ee dalku yeelan doono. Qodobkan waxa uu leeyahy;
- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah waxaa soo dooranaya codbixiyayaasha diiwaangashan eee JFS waxaana ku tartamaya murashixiiinta seddaxda xisbi ee Dalka iyadoo murashixiinta madaxweyne lagu dooranayo hal warqad.
- Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ku guuleeysanaya murashaxa Madaxweyne ee hela codadka ugu badan ee ansaxay.
Qodobka ee 13-aad ee sharcigan waxaa ku xusan hannaanka loo marayo doorashooyinka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, wuxuuna leeyahay sida soo socota
- Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa lagu dooranayaa doorasho toos ah, qarsoodi ah, xor ah oo xalaal ah oo ku salaysan nidaamka doorasho ee habka liistada furan ee isu-dheellitirka kuraasta iyo codadka dalka oo midaysan.
- Golaha Shacabka waxaa dooranaya dhamaana codbixiyayaasha diiwaangashan ee JFS waxaana ku tartamaya seddaxda xisbi ee dalka, waxaana loogu kala guuleeysanayaa kuraasta loo tartamay sida ay u kala helaan xisbiyadu tirada guud ee codadka ansaxay. Tirada codadka uu xisbi/urur waliba helo ayaa loo beddelayaa boqolley kadibna kuraas.
- Golaha Shacabku waa 275 Xubnood, waxayna matelaan dhammaan Bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
Farqadaan dambe waxay adkeyeneysaa in Doorashadu ka dhici doonto dalka oo dhan meel walba oo ay suurtagal ka tahay. - Xisbi kastaa waxa uu soo gudbinayaa dhammaan liiska murashaxiinta Golaha Shacabka ee dalka oo dhan una qoran si taxane ah oo uu ku cadyahay tirsiga kursigu magaca hortiisa
- Hannaanka Doorasho ee Golaha Shacabku wuxuu noqonayaa mid tixgelinaya isudheellitirnaanta qeybaha bulshada iyo saami-qaybsiga beelaha Soomaaliyeed.
Qodobka xiga ee 14-aad wuxuu u gaar yahay doorashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo hadda ka kooban 54 xubnood oo kala ah Somaliland 11 xubnood; Puntland 11 xubnood; Jubaland 8 xubnood; Koonfur Galbeed 8 xubnood;Galmudug 8 xubnood.
Magaalada Muqdisho metelaad kuma lahan hadda Aqalka Sare, inkasta oo dhowr jeer lasoo jeediyay in la qeexo meteladda ay dadka gobolka Banaadir ku leeyihiin golahan.
Xubnaha Aqalka Sare ee dowlad goboleed kasta waxaa soo dooranaya codbixiyayaasha diiwaangashan ee degaanka dowlad-goboleedkaas iyadoo ay ku tartamayaan murashixiinta seddaxda xisbi ee dalka.
Xilliga la qabanayo doorashooyinka
Doorashooyinka dalka waxaa la qabanayaa shantii sanaba mar, waxaana Doorashada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la qabanayaa hal xilli doorasho oo midaysan, iyadoo Guddigu cayimayo taariikhda ay qabsoomayso doorashada ugu yaraan boqol iyo sideetan (180) maalin ka hor taariikhda ay codbixintu dhacayso.
Mudda Xileedka Hay’adaha la doortay
Muddada xil-haynta Madaxweynaha Dowladda Federaalka, xubnaha Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo dhammaan hay’adaha ku yimaada doorasho waa waa shan (5) sano oo ka billaabmata maalinta loo dhaariyo xilka, sida lagu sheegay qodobka 17-aad ee sharciga.