Tuesday, October 1, 2024

Sii daynta Xildhibaan Abiib iyo saameynta garsoorka Somaliland

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo ku dhawaad bil ku jiray xabsiga Mandheera ayaa Isniintii dib u helay xorriyaddiisa kadib markii Maxkamadda Sare ee Somaliland ku tilmaamtay xarigiisa sharci darro.

Xariga xildhibaanka ayaa dhaliyay dood ku saabsan ilaalinta xasaanada xildhibaanada baarlamaanka iyo sareynta sharciga.

Sida Dawan TV-ga uu ogaaday, Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa lagu sii daayay amarka Maxkamadda Sare ee Somaliland oo xukuntay in si degdeg ah loosii daayo.

Arrintan waxay hoosta ka xarriiqaysaa awoodda garsoorku u leeyahay ilaalinta shuruucda dastuuriga ah, waxaanay xoojinaysaa ilaalinta maqaamka wakiillada la soo doortay ee haysta xasaanad sharci ah.

Waa kuma Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf?

Maxamed Abiib Yuusuf waa xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, wuxuuna metelaa deegaan door muhiim ah ku leh siyaasadda Somaliland, waana xildhibaan firfircoon oo ku caan baxay inuu ka hadlo arrimo badan sida siyaasadda, adegyada hormuarinta bulshada iyo xuquuqda dadka soo doortay. .

Waxa uu sumcad ku helay mowqifkiisa adag ee la xisaabtanka xukuumadda, u ololeynta hufnaanta iyo u hoggaansanaanta sharciga.

Ka hor inta aan la xirin waxa uu ka qayb galay doodo xasaasi ah, taas oo keentay inuu noqdo xildhibaan ka muuqda siyaasadda guud ee Somaliland, wuxuuna ku helay taageero lixaad leh oo isagu jira gobolka uu kasoo jeedo iyo deegaano kale.

Xarig dhaliyay muran badan

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf, waxaa xabsiga loo taxaabay horraantii bishii September, iyadoo xarigiisa uu dhaliyay doodo badan oo xasaasi ah kuwaas oo la xiriira sharciga iyo dastuurka, maadaama xubnaha Golaha Wakiilada ay leeyihiin xasaanad, taasoo u baahan in Baarlamaanka uu ka qaado xasaanadda ka hor inta aan la qaadin tillaabada lagu xirayo xildhibaan.

September 3, 2024 – Dacwada sharci ahaansha xariga Xildhibaan Abiib

Sebtembar 3, waxaa la gudbiyay dacwad ka dhan ah hannaanka loo maray xariga Xildhibaan Abiib, iyada oo lagu eedeyay laamaha maamulka inay ku kaceen xarig sharci darro ah oo ka hor imaanaya dastuurka Somaliland, gaar ahaan qodobbada 49-aad iyo 79-aad oo faahfaahinaya xasaanada xildhibanada baarlamaanka iyo hab-raacyada loo marayo xarigooda.

September 17, 2024 – Golaha Wakiilada oo diiday ansixinta xariga xildhibaanka

Fadhi ay yeesheen Golaha Wakiillada Somalialnd taariikhdu marka ay ahayd 17-kii September, waxay diideen inay ansixiyaan xariga xildhibaan Maxamed Abiib. Diidmada Goluhu waxa ay iftiimisay in xargaasi aanu ahayn mid sharci ah, ee uu yahay mid si toos ah loogu xad-gudbay xuquuqaha iyo xasaanadda ay mudanayaasha Baarlamaanka ku leeyihiin Dastuurka Somaliland. Go’aankani waxa uu xoojiyey aragtida ah in xarigu aanu waafaqsanayn qodobbada dastuuriga ah.

September 24, 2024 – Waxaa la isla gaaray Maxkamadda Sare

Kiisku waxa uu gaaray meel muhiim ah markii codsi loo gudbiyay Maxkamadda Sare 24kii September 2024, si ay go’aan uga gaarto xariga xildhibaanka. Codsiga loo gudbiyay maxkamadda waxaa lagu sheegay in xariga xildhibaanku baalmarsanyahay dhamaan shuruucda Somaliland maadama aan Golaha laga helin ogolaanshu, iyada oo lagu baaqay in si degdeg ah xorriyaddiisa loogu soo celiyo Xildhibaan Abiib.

September 29, 2024 – Doodda Xeer Ilaaliyaha Guud

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland oo arrintaas ka jawaabaya ayaa 29-kii bishan September u gudbiyay Maxkamadda qoraal uu ku difaacay tillaabadii lagu xiray Xildhibaan Abiib. Si kastaba ha ahaatee, Xeer Ilaaliyuhgu sooma hadal qaadin in lagu tuntay xasaanadda xildhibaanimo taasoo udub-dhexaad u ah muranka kiiska.

Maxkamadda Sare oo hiilsay ilaalinta Dastuurka

Ka dib markii ay dib u eegis ku sameeysay kiiska, Maxkamadda Sare waxay qaadatay September 30, 2024, inay saarto go’aankeeda. Maxkamadda ayaa sheegtay in xariga Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf uu yahay mid si toos ah u baalmarsan Dastuurka, maadaama ansixintii loo baahnaa laga waayay Golaha Wakiilada. Xukunka ayaa hoosta ka xariiqay qodobada soo socda:

Xariga xildhibaanka inuu ahaa mid sharci darro ah: Maxkamadda sare waxay sheegtay in ogolaansho la’aanta baarlamaanka ay keentay in xarigaasi uu noqdo mid ka hor imaanaya dastuurka dalka, iyadoo la jabiyay qodobada 49 iyo 79 ee dastuurka.
Amar siideyn degdeg ah: Maxkamaddu waxay ku amartay Taliyaha Ciidanka Asluubta inuu xaqiijiyo sii deynta Xildhibaan Abiib isla maalinta uu xukunka dhacay, September 30, 2024.
U hoggaansanaanta Dastuurka: Maxkamadda Sare waxay tilmaamtay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo hannaanka sharciga iyo habmaamuuska xildhiibaanada , waxayna fartay dhammaan hay’adaha inay ilaaliyaan xeerarka iyo dastuurka.


Saameynta Go’aanka Maxkamadda Sare

Go’aankan Maxkamadda Sare ayaa dad badan u arkaan in uu dirayo farriin cad oo ah in xarigga xildhibaan kasta uu waajib yahay in lagu fuliyo habraac dastuuriga ah ee Somaliland. Kiiska Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, iyadoo Somaliland ay isu diyaarinayso doorashooyinka soo socda, iyo raadinta aqoonsi caalami ah. Xarigga xildhibaanka ayaa dhaliyay walaac ku saabsan xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida hay’adaha dowladda.

Dhanka kale, go’aanka Maxkamadda Sare iyo sii-daynta degdegga ah ee Xildhibaan Abiib, waxay xoojin karaan kalsoonida lagu qabo sida ay Somaliland uga go’an tahay ilaalinta dastuuriga ah iyo sareynta sharciga. Si kastaba ha ahaatee, marka dalku isu diyaarinayo doorasho, waxa lagama maarmaan ah in diiradda la saaro isu-dheellitirka ilaalinta nidaamka iyo mabaadi’da dimoqraadiyadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here