Muqdisho (Dawan ) – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) ayaa si rasmi ah u shaaciyey bilaabista hanaanka ruqsad-siinta Hay’adaha Maaliyadeed ee Amaahda bixiya balse aan bixin adeegyada keydka lacageed,kaddib ansixintii Sharciga Hay’adaha Maaliyadeed ee la meel mariyey bishii May 2025.
Xeerka Ruqsad-siinta Hay’adahan Maaliyadeed, wuxuu qeexayaa shuruudaha la xiriira maamulka hay’adaha, isku filnaanta hay’adda, warbixinta, iyo noocyada adeegyada maaliyadeed ee la oggol yahay. Dhammaan hay’adaha microfinance-ka ee aan kaydka qaadin ayaa hadda si toos ah ula xisaabtami doona Bangiga Dhexe.
Shaacinta ruqsadsiintaan ayuu bankiga sheegay inay timid kadib Aqoon-is-weydaarsi sharciyeed oo la qabtay 3-dii Luulyo 2025 oo ay ka soo qeyb galeen hay’adaha microfinance-ka ee diiwaangashan, si loogu faahfaahiyo qaab-dhismeedka cusub iyo talaabooyinka looga baahan yahay inay raacaan si ay u waafaqaan xeerka.
“Dhammaan hay’adaha microfinance-ka ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay gudbiyaan codsiyadooda ruqsadda muddo lix bilood gudahood ah laga bilaabo taariikhda dhaqangalinta xeerka oo ah 6-da Juun 2025,” ayuu Bangiga Dhexe ku sheegay war-saxaafadeed.
Sida laga soo xigtay xogta la heli karo, Soomaaliya waxay lahayd qiyaastii 11 hay’adood oo microfinance ah oo ruqsad haysta sanaddii 2023, kuwaas oo wadarta hantidooda lagu qiyaasay $21 milyan. Xeerkan cusub wuxuu ujeedkiisu yahay in uu mideeyo kormeerka hay’adaha microfinance-ka islamarkaana uu si buuxda ugu daro nidaamka rasmiga ah ee maaliyadeed ee dalka.