Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa 29-kii Luulyo 2025 kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saaray iskaashi dhanka howlaha bani’aadantinimo iyo wada-shaqeynta hawlgalka, iyadoo Soomaaliya ay wajahayso xaalado is-biirsaday.
Kulankan ayaa ka dhacay xarunta dhexe ee SoDMA, halkaas oo Agaasimaha Guud ee SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, uu ku soo dhaweeyay Ugochi Daniels, oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada ee IOM, oo booqasho rasmi ah ku joogta Soomaaliya.
Sida ay sheegtay SoDMA, wadahadalladu waxay diiradda saareen caqabadaha hortaagan gurmadka degdegga ah, farqiga ka jira gaarsiinta adeegyada bani’aadantinimo, dardargelinta gargaarka loo fidinayo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha, iyo fursadaha iskaashi ee ku aaddan wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo qorsheyaasha waara ee dib u soo kabashada.
In ka badan 4 milyan oo qof ayaa gudaha dalka ku barakacay sababo la xiriira abaar, colaado iyo fatahaado xilliyeed. Warbixinta ugu dambeysay ee ay soo saareen hay’adaha Qaramada Midoobay waxay muujinaysaa in 4.6 milyan oo qof ay la daalaa dhacayaan cunno yari ba’an, iyadoo ku dhawaad 800,000 qof lagu qiimeeyay heerka Afaraad ee xaaladda degdegga ah (IPC Phase 4). Deegaanada sida gaarka ah u saameeyay waxaa ka mid ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hiiraan, kuwaas oo ay wali ka jiraan barakac, burburka kaabeyaasha iyo adeeg la’aan baahsan.
“IOM waa saaxiib istiraatiiji ah oo naga caawiyay in aan si wax ku ool ah uga jawaabno musiibooyinka soo noqnoqda. Iskaashigan waa muhiim si loo helo xalal waara oo bulshada ku saleysan.” Ayuu yiri Maxamuud Macallin Cabdulle.
Ugochi Daniels ayaa dhankeeda bogaadisay doorka isku-duwid ee ay SoDMA ka ciyaareyso howlaha gargaarka, waxayna adkaysay in IOM ay sii wadi doonto wada-shaqeynta ay la leedahay hay’adaha dowladda Soomaaliyeed si loo gaaro dadka ay saameeyeen xaaladaha degdegga ah.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo soo saarin war-murtiyeed wadajir ah, haddana SoDMA waxay sheegtay in la qorsheynayo in la ballaariyo iskaashiga heer hoosaad ee goobaha nugul, la raadiyo ilo dhaqaale oo dheeri ah, isla markaana la horumariyo istiraatiijiyado howlgal oo cusub oo wax looga qabanayo arrimaha cimilada iyo barakaca.