By Asha Elmi
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa 30 May 2025 dirtay 10 gaari oo shixnad gargaar degdeg ah oo raashin ah, kuwaas oo loo diray deegaanka Lambar Konton iyo tuulooyinka ku xeeran, kuwaas oo dhawaan ay ka dhaceen dagaalo.
Gargaarkaan, oo si gaar ah loogu talagalay deegaanka Lambar-50 iyo tuulooyinka ku xeeran, ayaa lagu wareejiyay Guddoomiyaha deegaanka Lambar Konton iyo Iskuduwaha gargaarka gobolka Shabeellaha Hoose.
Shir jaraa’id oo uu qabtay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uu sheegay in gargaarkaan uu taageerayo qoysaska ay dagaalku ku barakaceen, wuxuuna uga mahadceliyay dowladda Shiinaha kaalmooyinkooda. “Gargaarkaan waa mid muhiim u ah qoysaska barakacay, waxaana u mahadcelineynaa dowladda Shiinaha taageeradooda,” ayuu yiri Maxamuud Macallin Cabdulle.
Gargaarka ay SoDMA dirtay ayaa qeeb ka ah 1,226 tan oo raashin ah, oo Shiinaha bixisay iyadoo ugu talagashay deegaanada nugul ee dagallada ay ka jiraan sida Shabeellaha Hoose.
“Dhowaan, Shiinaha ayaa Soomaaliya u deeqay shixnad cusub oo gargaar raashin degdeg ah. qayb ka mid ah gargaarkaan ayaa loo qeybiyay deegaanada nugul ee Shabeellaha Hoose si loo caawiyo dadka dhibaateysan.”ayaa lagu yiri war kasoo baxay safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.
SoDMA waxay sheegtay in ay sugayaan gargaar kale oo ka imaanaya Ruushka iyadoo sheegtay Hay’adda inya sii wadeyso ka shaqeynta baahiyaha bini’aadantinimo ee dalka iyo taageeridda dadaallada nabadgelyo.
Gargaarkaan ayaa imanaya iyadoo dowladda Mareykanka, oo ahaan jiray bixiyaha gargaar ugu weyn Soomaaliya, ay hoos u dhigtay deeqda ay bixiso, taasoo muujineysa baahida sii kordhaysa ee gargaar caalami ah.