Malabo (Dawan) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Axaddii ka qeybgalay Shirweynihii 7aad ee Isku-dubbaridka Dhexe ee Midowga Afrika (AU) oo ka qabsoomay Malabo, dalka Equatorial Guinea, isaga oo metelayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkan ayaa waxaa isugu yimid madaxda dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, ururrada dhaqan-dhaqaale ee goboleedka (RECs), hay’adaha qaab dhismeedka gobolka (RMs), iyo wakiillo ka kala socday dhammaan qaybaha muhiimka ah ee Qaaradda Afrika.
Sida uu qabo Axdiga Shirkaan wuxuu diiradda saarayaa dardargelinta is-dhexgalka Qaaradda Afrika iyada oo la isku dubbaridayo dadaallada Midowga Afrika, Ururrada Dhaqaalaha Goboleed (RECs), Hay’adaha Qaab Dhismeedka Gobolka (RMs)
Mowduuca shirka ee sannadka 2025 wuxuu ahaa : Caddaaladda Afrikaan iyo dadka asal ahaan Afrikaan ah – iyada oo loo marayo Magdhaw.
Sida wasaarradad Arrimaha dibadda Soomaliya sheegtay Wafdiga Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo mas’uuliyad wadajir ah, iskaashi hay’adeed oo qotodheer, iyo go’aan siyaasadeed oo joogto ah si loo gaaro horumar waara iyo deganaansho goboleed.
“Soomaaliya waxay si buuxda uga go’an tahay in la helo Qaarad Afrikaan ah oo caddaalad, isku-duubni iyo midnimo dhaqaale ku dhisan. Waa inaan si wadajir ah uga shaqeynaa sidii loo heli lahaa xuquuq, karaamo iyo fursad siman oo qof walba Afrikaan ah helayo.” Ayuu yiri Wasiir Cabdisalaan
Shirka Isku-dubbaridka Dhexe ee Midowga Afrika (Mid-Year Coordination Meeting – MYCM) waxa uu markii ugu horreysay la hindisay sanadkii 2017, si uu u noqdo madal heer sare ah oo ay Midowga Afrika iyo Ururrada Dhaqan-dhaqaale ee Gobollada (RECs) iskula jaanqaadaan howlaha ay wadaan, isla markaana ay si wadajir ah ugu fuliyaan ajandaha is-dhexgalka Qaaradda Afrika.