Friday, June 6, 2025

Soomaaliya ayaa Mudnaanta Siinaysa Iskaashiga Tamarta ee Azerbaijan

Baku, 2025 – Soomaaliya ayaa xoojinaysa iskaashiga tamarta ee ay la leedahay dalka Azerbaijan, gaar ahaan dhinaca tamarta la cusbooneysiin karo. Abdullahi Bidhan Warsame, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay si qoto dheer u qadarinayso iskaashiga istiraatiijiga ee la leedahay Azerbaijan, isla markaana ay go’aansatay in ay sii xoojiso wada-shaqeynta ku aaddan tamarta la cusboonaysiin karo.

Wasiirka Warsame, oo ka hadlayey Shirweynaha Tamarta ee Baku, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga labada dal ee ku saabsan tamarta la cusboonaysiin karo, isagoo sheegay in Soomaaliya ay heshiis is-afgarad ah la gashay Wasaaradda Tamarta ee Azerbaijan si loo ballaariyo wada-shaqeynta dhinacyada tamarta.

Qeyb ka mid ah dadaallada aan ugu jirno beddelidda habka tamarta dalka, Soomaaliya waxay saxiixday Heshiis Iskaashi oo aan la galnay Wasaaradda Tamarta ee Azerbaijan si aan u ballaarinno wada-shaqeynta tamarta la cusboonaysiin karo,” ayuu yiri Wasiir Warsame.

Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda Shirweynaha Tamarta ee Baku, oo ah madal caalami ah oo muhiim ah oo lagu horumarinayo iskaashiga iyo wadashaqeynta caalamiga ah ee ku aaddan tamarta.

Shirkan wuxuu door muhiim ah ka ciyaarayaa in uu naga qeyb geliyo hawlgallada wada-jirka ah, taageerada iyo wada-shaqeynta tamarta la cusboonaysiin karo,” ayuu Wasiirku intaa ku daray.

Iskaashigan tamarta ayaa la filayaa inuu sare u qaado horumarka tamarta ee Soomaaliya, isagoo sidoo kale ka caawinaya dalka sidii loo heli lahaa tamar nadiif ah oo waara, taasoo qayb ka ah dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha iyo ilaalinta deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here