Somaliland iyo Taiwan ayaa si rasmi ah u bilaabay waji cusub oo iskaashigooda badeed, kaddib markii ay kala saxiixdeen Heshiiska Iskaashiga Ciidanka Ilaalada Xeebaha xaflad ka dhacday Taipei 24-kii Luulyo 2025.
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, Axmed Hurre Haariye, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa muujiyay muhiimadda ay u leeyahay iskaashigan cusub, isagoo xusay in labada dhinac ay wadaagaan aragti ku saabsan maamulka badda iyo xasilloonida gobolka.
Heshiiska ayaa oggolaanaya labada ciidan inay fuliyaan is-dhaafsi shaqaale, tababaro wadajir ah, iyo hawlgallo badeed, iyo mashaariic kale oo muhiim ah. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Taipei.
Masuuliyiinta Taiwan waxay sheegeen in heshiiskani uu muujinayo ballanqaadka labada dhinac ee ilaalinta biyaha badda iyo diyaarinta howlaha gurmadka degdegga ah.
Heshiiskan ayaa daba socda xiriir diblomaasiyadeed oo sii kobcaya oo u dhexeeya labada dhinac, inkastoo Somaliland aysan weli helin aqoonsi caalami ah oo buuxa, balse xafiis wakiil ah ayay ka furatay Taipei sanadkii 2020.
Somaliland iyo Taiwan ayaa ka siman raadinta aqoonsi rasmi tan muddo dheer, Taiwan ayaa in ka badan 70 sano ku jirta baadi-goobka aqoonsi caalami ah oo buuxa, halka Somaliland ay iyaduna muddo in ka badan 30 sano ah ku jirto halgan ay ku raadineyso aqoonsi rasmi ah.