Hargeysa, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland ayaa dhammaan guddoomiyeyaasha gobollada ku amray inay xoojiyaan nabadda, isku xirnaanta bulshada iyo xukuumadda.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shalay kulan la qaatay guddoomiyeyaasha gobollada Somaliland si loo xoojiyo dawladnimada, adeegyada bulshada, iyo horumarka. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray is-xog-waraysi iyo dardar-gelinta nidaamka dawladnimo, adkaynta nabadda, bixinta adeegyada bulshada, iyo wax ka qabashada arrimaha mudnaanta u leh Somaliland.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay guddoomiyeyaasha gobollada inay xoojiyaan midnimada shacabka reer Somaliland, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarka iyo xasilloonida. Wuxuu tilmaamay inay metelayaan xukuumadda WADAJIR IYO WAXQABAD, loona baahan yahay inay bulshada dareensiiyaan kaalinta ay xukuumaddu ka qaadanayso horumarka Somaliland.
“Guddoomiyeyaasha gobollada waxa laga doonayaa inaad dhageysataan bulshada aad masuulka ka tihiin tabashadooda, kana shaqeysaan xallinta dhibaatooyinka, aadna shaqeysaan isku xidhnaanta dowladda iyo shacabka aad masuulka ka tihiin,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Wuxuu sidoo kale guddoomiyeyaasha gobollada faray in dhammaan muwaadiniinta si siman loogu garsooro, isla markaana la gaadhsiiyo dhammaan adeegyada xukuumadda iyada oo aan loo kala qaybinayn mucaarad iyo muxaafid, si loo xoojiyo midnimada iyo nabadda.
“Dhaqankii ahaa ‘xisbi hebel dowladda ayuu taageersan yahay ama wuu kasoo horjeedaa’ waa in la beddelaa. Waa in muwaadinku dareemo in aynu madaxdiisii nahay,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Kulankaan ayaa imanaya iyadoo Madaxweynaha Somaliland uu horay wareegto Madaxweyne ku aasaasay Guddiga Nabadda Somaliland, oo ah hay’ad madaxbannaan loo xilsaaray horumarinta nabadda, xallinta khilaafaadka, iyo dib-u-heshiisiinta bulshada. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in ujeeddada guddigan ay tahay abuurista jawi nabadeed oo ku saleysan wada-xaajood, isfahan, iyo ka-qaybgalka bulshada, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo horseedi karta horumar ballaaran.