By Abukar Osman
Somaliland – Abbanduulaha 1aad ee Ciidanka Somaliland, Sarreeya Guuto Cabdidirisaaq Siciid Bulaale (Afguduud), ayaa maanta si rasmi ah ciidamadii ugu dambeeyay ee madaniga ahaa ee dhawaan lagu daray ciidamada Somaliland u kala diray, dugsiyada tababarka ee kala duwan ee ku yaalla gobolka Oog iyo guud ahaan bariga Somaliland.
Abbanduulaha 1aad iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kormeer shaqo ku joogay taliska guud ee ciidanka gobolka Oog, iyagoo si dhow ula socday habsami u socodka tababarada iyo diyaarinta ciidamada cusub ee lagu daray kuwa Somaliland.
Madaxa ciidamada ayaa sheegay in hawshan kala dirista ciidanka madaniga ah ay qeyb ka tahay qorshaha dhammaystirka tababarka iyo xirfad siinta ciidanka, si loo hubiyo in xubnaha cusub ay helaan tababar dhameystiran oo waafaqsan heerarka ciidanka qaranka.
Sarreeya Guuto Cabdidirisaaq Siciid Bulaale ayaa sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta iyo isdhexgalka ciidanka cusub ee madaniga ah iyo ciidamadi hore, isagoo ku booriyay dhammaan saraakiisha iyo tababarayaasha inay si hagar la’aan ah u gudan waajibaadkooda si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida Somaliland.