Hargeysa, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah xalay ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, George Conway, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay, oo ay ka mid ahaayeen madaxda xafiiska OCHA ee UN-ka.
War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in kulanka lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin nabadgelyada, xasilloonida siyaasadeed, dimuqraadiyadda, gargaarka bini’aadannimo, iyo qiimeynta mashaariicda UN-ka ee ka socda Somaliland – gaar ahaan tayadooda, miisaankooda dhaqaale, iyo sida ay ugu adeegaan dadka deegaanka.
Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Soomaaliya u sheegay in taageerada Qaramada Midoobay ay noqoto mid ku dhisan caddaalad, Somalilandna ay hesho taageerada iyo deeqaha qayb u qalanta oo ku habboon.
“Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya u sheegay in taageerada Qaramada Midoobay ay noqoto mid ku dhisan caddaalad, Somaliland ay hesho taageerada iyo deeqaha qayb u qalanta oo ku habboon,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka madaxtooyada Somaliland.
Madaxweynaha waxa uu Ku-xigeenka Kaaliyaha Ergayga Qaramada Midoobay u sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay UN-ta la yeelato iskaashi la isku hallayn karo, balse aanay gacmaha-hoorsan, waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay u baahan tahay in aan la isku khaldin Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in UN-tu ay Somaliland ku ixtiraamto mawqifkeeda rasmiga ah ee ku aaddan aaya-ka-tashiga dadka iyo dalka Somaliland, taasoo ah go’aan Masiiri ah oo ay Afti Buuxda ku gaadheen Shacabka Somaliland.
“Madaxweynaha Somaliland waxa uu UN-ta u sheegay in Somaliland ay u baahan tahay in aan la isku khaldin Somaliland iyo Soomaaliya. UN-tu waa in ay Somaliland ku ixtiraanto mawqifkeeda rasmiga ah ee ku aaddan aaya-ka-tashiga dadka iyo dalka Somaliland kaasoo ah go’aan Masiiri ah oo ay Afti Buuxda ku gaadheen Shacabka JSL” ayaa lagu xusay bayaanka madaxtooyada.
Dalabkan Somaliland ayaa imanaya iyadoo ay muddo ka badan 30 sano ku jirto raadinta aqoonsi caalami ah. Inkasta oo aanay weli helin aqoonsi rasmi ah, Somaliland waxay leedahay xiriirro aan rasmi ahayn oo ay la leedahay dalal iyo hay’ado caalami ah, iyada oo marar badan ku celisay inay u baahan tahay aqoonisi.