Saturday, April 12, 2025

Sanaag oo gebogebo marsiineysa wareejinta ciidamada madaniga ah

Gar Adag, Sanaag – Somaliland ayaa ku dhawaaqday in wareejinta ciidamada madaniga ah ee gobolka Sanaag ay mareyso heer gebogebo ah, iyadoo ciidanka Somaliland la wareegayaan mas’uuliyadda amniga gobolka.

Arrintan ayaa lagu sheegay munaasabad si rasmi ah uga dhacday degmada Gar Adag ee gobolka Sanaag, halkaas oo si toos ah loogu wareejinayay ciidamada madaniga ah looguna wareejinayey ciidamada Somaliland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, oo ka hadlay xafladda, ayaa sheegay in wareejintani ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka, isla markaana ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga.

“Waxaan ballan qaadeynaa in aan jirin meel ay ciidamada madaniga ah banneeyaan oo aan la wareegin ciidanka qaranka. Ammaanka wuxuu sugayaa ciidanka qaranka, ciidamada madaniga ahna waxay noqon doonaan qayb ka mid ah ciidamada qalabka sida marka ay dhameystaan tababarkooda,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka.

Wuxuu sidoo kale xusay in Somaliland ay horumar weyn ka sameysay sugidda amniga, isla markaana ciidamadeeda ay si buuxda diyaar ugu yihiin inay la wareegaan maamulka ammaanka gobolka Sanaag.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu u mahadceliyay shacabka iyo madaxda dhaqanka ee deegaanka, gaar ahaan Suldaanka, oo door weyn ka qaatay howsha wareejinta ciidamada, isagoo ku tilmaamay mid muujinaya midnimada iyo wada shaqeynta bulshada iyo dowladda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here