Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay falka weerarka ah ee ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday Dowladda Qatar, iyadoo hoosta ka xarriiqday muhiimadda ay leedahay u hoggaansamida sharciga caalamiga ah, gaar ahaan qodobbada ku saabsan ilaalinta rayidka iyo xaqiijinta amniga iyo badbaadada dadweynaha.
Iiraan ayaa Isniintii ku qaaday weerar gantaallo ah oo ku aaddan Saldhigga Hawada Al Udeid ee Ciidanka Maraykanka ee ku yaal Qatar, taasoo jawaab u ahayd duqeymihii Maraykanku ka geystay saddex goobood oo nukliyeer ah oo ku yaal Iiraan.
Canbaareyntaani waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, kaasi oo soo baxay 23-ka Juun 2025.
Warsaxaafadeedka ayaa sheegay in Soomaaliya ay si cad u canbaareynayso falalka Iran, iyadoo sidoo kale dib u xusaysa taageerada adag ee Soomaaliya u fidineyso madaxbannaanida Qatar.
“Soomaaliya waxay mar kale muujinaysaa mowqifkeeda adag ee taageerada madax-bannaanida dowladda walaalaha ah ee Qatar,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareyntan kaga mid noqotay dalal kale oo islaam ah iyo jaamacadda Carabta kuwaas oo sidoo kale cambaareeyey weerarkaasi