Wednesday, June 18, 2025

DDS oo daah-furtay wajiga labaad ee ol’olaha ItoobiyaNadiifah

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah u daah-furtay wajiga labaad ee ol’olaha qaran ee #ItoobiyaNadiifah, kaas oo ujeeddadiisu tahay la dagaallanka wasakhowga, horumarinta nadaafadda, iyo ku-dhex-dhiska ilaalinta deegaanka qorshayaasha horumarineed ee mustaqbalka.

Munaasabadda daah-furka oo ka dhacday magaalada Jigjiga 17 juun 2025  waxaa si wadajir ah u furay Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar, iyo Lelise Neme, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Ilaalinta Deegaanka ee Itoobiya (EPA).

Ol’olaha oo xambaarsan hadda halkudhigga “Deegaan Nadiif ah”, wuxuu xoogga saaraya wacyigelinta bulshada, hirgelinta xeerar lagu xakameynayo qashinka, iyo in ilaalinta deegaanka la waafajiyo dadaallada horumarineed ee deegaanka.

“Ilaalinta deegaanka waa mas’uuliyad bulsho iyo waajibaad dowladeed. Wacyi-gelin iyo waxbarid ayaa ah dariiqa ugu fiican, balse cid kasta oo si ula kac ah ugu daadiya qashinka waddooyinka waa in lagu qaadaa tallaabo sharci ah,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe.

Wajigii koowaad ee ol’olaha #ItoobiyaNadiifah waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay 26-kii Abriil 2024 magaalada Addis Ababa, iyadoo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Wuxuu xambaarsanaa halkudhigga “Magaalooyin Nadiif ah – Nolol Caafimaad leh”, iyadoo xoogga la saaray nadaafadda magaalooyinka, dhismaha musqulo casri ah oo dadweyne, iyo wacyigelin baahsan oo dalka dhan ah.

Wajiga Labaad ee Ololahaan ayaaDiiradda Lagu Saarayaa:

  1. Wacyigelinta Bulshada & Isbeddelka Dhaqanka: Barnaamijyo waxbarasho oo lagu gaarsiinayo dugsiyada, dhalinyarada iyo warbaahinta deegaanka.
  2. Xoojinta Sharciga: Ganaax iyo ciqaabo la dul dhigo dadka ku kacaya daadin sharci darro ah iyo gubidda qashinka aan dib loo warshadeyn karin.
  3. Is-dhexgalka Horumarinta & Deegaanka: Ilaalinta deegaanka oo lagu daro qorshayaasha dhismaha magaalooyinka, qorsheynta dhulka iyo horumarinta adeegyada.

Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga ah ee DDS ayaa hoggaaminaya hirgelinta ol’olahan, iyadoo la hubinayo in hay’adaha kala duwan iyo bulshada ay si buuxda uga qayb qaataan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here