Muqdisho (Dawan ) – Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday barnaamij cusub oo qaran oo lagu beddelayo hab-dhaqameedka dhaqanka ee beeraha, loona rogayo nidaam casri ah oo u adkaysi leh cimilada, kordhinayana wax-soosaarka beeraleyda isla markaana ilaalinaya deegaanka.
Wasiirka Beeraha, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa sheegay in hindisaha “Beero oo Barwaaqee Soomaaliia (BBS)” loo ballaariyay barnaamij qaran, kaas oo uu sheegay in uu la jaanqaadaya isbeddelka cimilada, isla markaana faa’iido u leh bulshada iyo deegaanka.
“Waqti cusub ayaa u baryay beeraha Soomaaliya iyadoo si rasmi ah loo daahfuray Barnaamijka Beero oo Barwaaqee Soomaaliya (BBS).” ayuu yiri wasiir Maareeye.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ilaa iyo hadda la hirgeliyay sagaal beerood oo tusaale ah, kuwaas oo laga soo xulay afar gobol – Afgoye, Balcad, Kismaayo iyo Baidoa – iyadoo la qorsheynayo in tiradaasi lagu kordhiyo in ka badan 100 beerood dalka oo dhan marka la gaaro 2029. Beerahan tusaalaha ahi waxay noqon doonaan xarumo tababar iyo aqoon-isweydaarsi loogu talagalay beeraleyda.
Xafladda daahfurka oo ka dhacday Muqdisho Axaddii waxaa ka qaybgalay wakiilka FAO ee Soomaaliya, ku-xigeenka safiirka Qadar, iyo mas’uuliyiin ka socday WFP, CARE, NRC, iyo Qatar Charity, iyo sidoo kale wakiillo ka socday bangiyada Soomaaliyeed sida AGRA, Dahabshiil iyo Salaam Bank. Ganacsatada ku hawlan beeraha ee ka faa’iideysan doona barnaamijka ayaa sidoo kale goob joog ahaa.