Saturday, August 16, 2025

Soomaaliya oo Daah-furtay Qaab-dhismeedka Danabeysan ee Maareynta Maaliyadda Guud

Muqdisho (Dawan Africa) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday hirgelinta Qaab-dhismeedka Danabeysan ah ee Maareynta Maaliyadda Guud (PFM), barnaamij cusub oo loogu talagalay casriyeynta nidaamka maaliyadeed ee dowladda iyo xoojinta daahfurnaanta.

Xafladda lagu daah-furay hindisahan ayaa ka dhacday Muqdisho, waxaana soo qabanqaabiyay Xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo uu taageerayay Mashruuca SERP ee Bangiga Adduunka.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in barnaamijkan uu soo kordhin doono Nidaamka Saxiixa Danabeysan  ee PFM, kaas oo yareyn doona waraaqaha gacanta lagu maamulo, isla markaana kor u qaadi doona hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

“Barnaamijkan oo dhaqangelaya 30-ka bishan August wuxuu sare u qaadi doonaa hufnaanta iyo badbaadada maaliyadda, wuxuuna xoojin doonaa isla-xisaabtanka” ayuu yiri Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Maxamed.

Sida uu sheegay Xisaabiyaha Guud Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah hagaajinnta nidaamka dhaqaalaha iyo adeeg bixinta dowladda, iyadoo sidoo kale lagu doonayo in lagu dhiso kalsoonida caalamiga ah ee lagu qabo hay’adaha maaliyadeed ee Soomaaliya.

Wuxu intaas ku daray in Bangiga Adduunka uu kaalin muuqda ku lahaa taageeridda isbeddelladan oo socday tan iyo Janaayo 2024.

Tobankii sano ee u danbaysay, Soomaaliya waxay fulisay dib-u-habeyn ballaaran oo la xiriira Maareynta Maaliyadda Guud (PFM) iyadoo ay gacan ka geysanayaan saaxiibada caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here