Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xoogan u diiday qorshaha Puntland ee ku saabsan dhisidda nidaam aqoonsi gaar ah, iyadoo muujisay in nidaamka aqoonsiga qaranka Soomaaliya uu yahay mid wadareed oo dalka oo dhan ka hirgalay.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta maanta ayaa lagu sheegay in tallaabada Madaxweynaha Puntland ee ku aaddan sameynta nidaam aqoonsi dadweyne oo cusub uu si toos ah ugu xadgudubeyso qaab-dhismeedka maamulka ee dalka.
“Tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Puntland ee ah sameynta aqoonsi kale oo lagu cargaladeynayo aqoonsiga qaranka (Lr. 04, 09/04/2025), waa khalad masuuliyadeed iyo sharciyadeed, waana mid si toos ah ugu xadgudubeysa hannaanka dowladnimada dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Warsaxaafadeedka waxa uu intaas ku daray in tallaabooyinkaas ay abuuri karaan jahwareer, ayna daciifin karaan midnimada dalka.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in aqoonsiga Soomaaliga uu yahay arrin qaran, isla markaana aan la ogolaan karin in gobolladu ay gooni-gooni u sameeyaan nidaam aqoonsi. Waxay sheegtay in Aqoonsiga qaranku uu yahay xaq muwaadin, aysanna bannaana in laga hor istaago ama laga carqaladeeyo.
“Tallaabo kasta oo lagu hor istaago xaqaas, waxaa loo aqoonsanayaa is-hortaag xuquuq muwaadinimo oo sharci ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale ku boorisay Puntland inay ka qaybqaadato dadaalka guud ee lagu hirgelinayo nidaamka aqoonsiga qaranka, isla markaana ay ka faa’iideystaan nidaamyada horey u jira ee loogu talagalay adeegyada bulshada, halkii ay ka abuuri lahaayeen nidaamyo kala duwan oo carqalad ku ah midnimada hay’adaha dowladda.
Diidmadaan ayaa daba socoto kadib markii 9 Abriil uu Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu saxiixay Xeer Madaxweyne oo lagu dhisayo Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID), taas oo ujeedkeedu yahay lahaanshaha Puntland ee kaar aqoonsi oo u gaar ah.