Waxaa Qoray Caa’isho Cilmi
Rajada ahayd in ciidamada Midowga Afrika ay ka baxaan Soomaaliya ayaa sii yaraanaysa, kaddib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) uu ansixiyay Qaraarka 2767. Qaraarkan cusub ayaa ogolaanaya in Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) lagu beddelo Hawlgalka Taageerada iyo Deganaanshaha Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo bilaabanaya Janaayo 1, 2025.
Qaraarka waxaa taageeray 14 waddan, halka Mareykanku uu ka aamusay. Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Maxamed Rabi Yuusuf, ayaa uga mahadceliyay UK iyo xubnaha Golaha ansixinta qaraarkan. Wuxuu yiri:
“Waxaan halkan uga mahadcelinayaa UK, oo ah hayaha qaraarka, iyo dhammaan xubnaha Golaha, sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen qaraarkan muhiimka ah. Qaabka cusub wuxuu xoojinayaa taageerada saadka ee Qaramada Midoobay, taas oo muhiim u ahayd guulaha hawlgallada nabadda.“
Mareykanka ayaa mowqifkiisa ka aamusida ah ku sababbeeyay walaacyo miisaaniyadeed. Wakiilka Mareykanka wuxuu sheegay in qaraarka cusub uu ka dhigayo in Qaramada Midoobay daboolayso in ka badan 90% kharashaadka hawlgalka, taas oo aan la jaanqaadi karin ujeeddadii hore ee Qaraarka 2719. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xaqiijiyay in Mareykanka uu weli ka go’an yahay taageeridda hawlgallada nabadda ee Midowga Afrika.
“Inkasta oo aan ka welwelsanahay miisaaniyadda hawlgalka, waxaan rabaa inaan caddeeyo in Mareykanka uu sii wadi doono taageerada joogtada ah ee Soomaaliya. Waxaan siinay gargaar dhan $1.2 bilyan sanad walba si loo xoojiyo amniga iyo nabadda,“ ayuu yiri Wakiilka Mareykanka.
Shuruucda Cusub ee AUSSOM
Qaraarka cusub wuxuu oggolaanayaa:
- In Soomaaliya laga hawlgaliyo ilaa 12,626 shaqaale hubeysan, oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah, illaa Juun 30, 2025.
- In la dhammeystiro isu-dheellitirka ciidammada ATMIS loo beddelayo AUSSOM ka hor Juun 30, 2025.
- In Midowga Afrika uu qaado tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si hawlgalku u hirgalo muddo 12 bilood ah laga bilaabo Janaayo 1, 2025.
Itoobiya, oo hore looga shakisanaa ka-qaybgalkeeda, ayaa sheegtay inay diyaar u tahay hawlgalka cusub, inkastoo ay digniin ka soo saartay ciyaartooy shisheeye oo gobolka ku lug leh. “Iskaashiga goboleed waa muhiim si argagixisada loo xakameeyo. Cid kasta oo gobolka dan aan rasmi ahayn ka leh waa inay faragelinta joojiyaan,“ ayay Itoobiya ku sheegtay bayaan rasmi ah.
Wakiilka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ayaa ka hadlay midnimada gobolka iyo dib-u-eegis dhammaystiran oo lagu sameeyay qaab-dhismeedka amniga 11-kii bilood ee la soo dhaafay. Wuxuu xusay in saaxiibada gobolka ay ballan-qaadeen inay taageerayaan in ka badan 11,000 askari oo hoos taga hawlgalka cusub ee AUSSOM.
Dhanka kale, La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Macallin, ayaa bartiisa X ku sheegay in Dowladda Federaalka ay si firfircoon ula shaqeynayso Midowga Afrika iyo waddamada ciidammada keenaya. Waxa uu tilmaamay in Bayaankii Ankara uu weli yahay tiir muhiim ah oo lagu dhisayo iskaashiga gobolka.
Waxaa la filayaa in go’aanka kama dambeysta ah ee waddamada ka qaybqaadan doona AUSSOM lagu dhawaaqo dhowaan, taas oo go’aamin doonta qaabka loo hirgelinayo wejigan cusub. Soomaali badan ayaa eegaysa hawlgalkan inuu xoojin karo dadaallada amniga iyo xasilloonida dalka, iyadoo la rajeynayo in lagu guuleysto qorshaha ku saleysan wada-shaqeyn cusub.