Tuesday, August 12, 2025

Soomaaliya oo ku baaqday in la ilaaliyo badaha Hindiya iyo Cas

Qaramada Midoobay (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in amni-darro ka timaadda Badda Hindiya iyo Badda Cas ay khatar weyn ku tahay ganacsiga caalamiga ah iyo nabadda, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka in si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodkan muhiimka ah.


Ergay Kuxigeenka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Maxamed Raabi oo ka hadlaya dood Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan amniga badaha, , ayaa sheegay in labada marin-biyood ay yihiin halbowlayaasha ganacsiga caalamiga ah” oo aan muhiim u ahayn Soomaaliya iyo deriska oo keliya balse ay muhiim u yihiin bulshada caalamka.


“Wax kasta oo khatar gelinaya xasilloonidooda waxay saameyn toos ah ku leeyihiin silsiladaha sahayda caalamka, kobaca dhaqaalaha iyo nabadda caalamiga ah,” ayuu yiri Yuusuf.
Yuusuf ayaa sheegay saddex mudnaan oo muhiim u ah sugidda amniga badaha.

Ugu horreyn, wuxuu xusay in “dhisidda awoodda iyo gudbinta tignoolajiyada ay yihiin kuwo mudnaanta koowaad leh,” isaga oo ku adkeystay in dawladaha xeebaha leh “ay tahay inay yeeshaan awoodaha iyo xirfadaha lagama maarmaanka ah” ee la dagaallanka khataraha badda.


Wuxuu ku baaqay taageero joogto ah oo loogu talagalay dalalka Afrika si loo xoojiyo ilaalinta sharciga badda, kormeerka iyo hanaanka garsoorka, isagoo tusaale u soo qaatay Istaraatiijiyadda Badda ee Midowga Afrika ee 2050 iyo Heshiiska Lomé oo uu ku tilmaamay “khariidado muhiim ah oo lagu dhisayo adkaysi qaran iyo goboleed.”


Marka labaad, Yuusuf ayaa amniga badda ku xiray xaaladda dhulka. “Saboolnimada iyo shaqo la’aantu inta badan waxay u adeegaan falal dembiyeedyo oo badeedoo ay geesataan dhalinyarada,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in kalluumeysiga sharci darrada ah, aan la diiwaan gelin iyo isla markaana aan nidaamaysnayn uu yahay “khatar gaar ah” oo ka mid ah kuwa ugu weyn, isagoo ku tilmaamay dembi caalami ah oo “dhimaya kheyraadka badda ee muhiimka ah” isla markaana sababa “burbur ba’an” oo ku dhaca deegaanka badaha.


Ugu dambeyn, wuxuu ku adkeystay muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo sharciga caalamiga ah. “Ixtiraamka waajibaadyadan iyo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dawladaha waa lama huraan si loo dhiso kalsooni loona xaqiijiyo tallaabo wax ku ool ah,” ayuu yiri, isagoo mar kale xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda iyo heshiisyada kale ee khuseeya.


Yuusuf ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay ballanqaad ah in Soomaaliya ay si wadajir ah ula shaqeyn doonto Golaha Ammaanka iyo beesha caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here