Monday, April 7, 2025

Soomaaliya guul ma ku soo gebagebayn doontaa kulanka ugu dambeeya ee Group C?

Somaliya ayaa isku dayi doonta inay guul ku dhammaystirto tartanka ciyaaryahannada da’doodu ka hooseyso 17 sano ee Africa Cup of Nations marka ay la ciyaaraan Senegal kulanka ugu dambeeya ee Group C, oo lagu qabanayo Ben M’Hamed El Abdi Stadium ee El Jadida, Morocco maanta.

Senegal ayaa rajaynayso inay kaalinta koowaad ee Group C ku dhameysato, iyadoo Somaliya wajahaysa caqabado kale oo adag, iyagoo doonaya inay jabiyaan silsilad guuldarrooyin ah.

Senegal ayaa heshay afar dhibcood oo ka soo baxay labada kulan ee hore, waxayna isku dhibca yihiin kooxda hogaamineysa Tunisia, oo iyaguna doonaya inay u gudbaan sideed dhamaadka koobkaan.

Somaliya ayaa ku guuldareysatay labada ciyaarood ee hore, iyadoo lagaga badiyay 3-0 Tunisia iyo 5-1 Gambia. Kulanka ugu dambeeya ee Gambia, oo Somaliya ka badiyay 5-1, ayaa ahaa guuldarradii ugu weynayd ee ka dhacda tartanka, iyagoo markii ugu horreysay Soomalaiya lagaga badiyay shan gool. Inkasta oo ay guuldarreysatay, Somaliya haddana ciyaartaas waxay haysatay 58% kubbad heesashada ciyaarta ay Gambia ku wajahday.

Senegal ayaa ciyaartay 9 ciyaarood oo aan guul darro lahayn tartamada ugu dambeeyay, iyagoo aan laga badiyin tan iyo 2019. Senegal ayaa leh difaac adag oo aan wax gool ah lagu dhaliyin lixda ciyaarood ee ugu dambeeyay ee groupka tartankan.

Kulankaan ayaa muhiim u ah Somalia si ay ugu bandhigto dadaalkooda, sidoo kale ay isku dayaan inay iska ilaaliyaan guuldarrooyinka iyo inay qaadaan tallaabooyin lagu hormarinayo kooxdooda si ay ugu guuleystaan mustaqbalkooda tartankan.

Koobka ciyaaryahannada da’doodu ka hooseyso 17 sano ee Africa Cup of Nations waa tartan uu qabto Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), una gaar ah xulalka qaaradda Afrika ee da’doodu ka hooseyso 17 sano. Sanadkan 2025, tartanka waxaa lagu qabtay dalka Morocco wuxuuna soconyaa inta u  dhaxeysa 30-ka Maarso ilaa 19-ka Abriil, iyadoo ay ka qeybgalayaan 16 dal oo Afrikaan ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here