Friday, June 6, 2025

Soomaaliya oo Helikobtarro Seddex ah ka heshay Turkiga isbuucaan

MUQDISHO,Soomaaliya – Sida ay sheegtay warbaahinta Middle East Eye oo ka faalloota arrimha Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika , saddex helikobtar oo  nuuca T129 Atak ah ayaa Soomaaliya soo gaaray isbuucaan, xilli Turkiga uu ballan qaaday inuu xoojinayo taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sheegtay in duuliyayaal Soomaaliyeed ay muddo sanad ah tababar ka heleen Turkiga si ay ugu maamulaan helikobtarada T129 Atak, waxaana helikobtaradan imanayayaan kadib markii ay dhammeeyeen tababarkooda ugu dambeeyay.

Warbixinta waxa ay intaas ku dartay in sidoo kale Turkiga uu Soomaaliya u siiyey Ciidanka Badda 2 helikobtar oo adeegyo ah, kuwaas oo qeyb ka ah heshiiska difaaca oo ay labada dowladood galeen bishii February 2024, kaas oo u oggolaanaya Turkiga inuu dhiso awoodda badda ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga wali si rasmi ah ugama hadlaan helikobtaradan ilaa hadda.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu isbuucan gudahiisa wada-hadal dhanka telefanka ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, kaas oo ballan qaaday taageerada Soomaaliya ee dagaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda dagaal kula jirta kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan bartamaha dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here