Thursday, April 17, 2025

Soomaaliya oo saxiixday Heshiis Deyn Cafin oo $306.5 Milyan ah

Kuwait City,Kuwait – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiis deyn cafin ah oo muhiim ah, oo ay la gashay Sanduuqa Lacagta Carabta, taas oo dib u soo celinaysa wadashaqeyntii hakadka gashay ee labada dhinac u dhaxeysay.

Heshiiskan oo gaaraya $306.5 milyan ayaa waxaa maanta ku saxiixay magaalada Kuwait Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Lacagta Carabta, Fuad M. Al-Turki, xilli uu socdo Shirka Sanadlaha ah ee Hay’adaha Maaliyadeed ee Carabta.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay sheegtay in heshiiskan uu yahay natiijada wada-xaajood saddex sano socday, isla markaana uu muhiim u yahay dib u dhiska dhaqaalaha dalka iyo fursadaha maalgelinta ee horumarineed.

“Heshiiskani wuxuu suurtagelinayaa in Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Lacagta Carabta ay si rasmi ah usoo ceshadaan wadashaqeyntii hakadka gashay, taas oo sababtay in la joojiyo dhammaan kaalmihii la filayay in la siiyo Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Biixi.

Heshiiskan ayaa sidoo kale Soomaaliya ay sheegtay in uu suura gelinayo inay ka faa’iideysato mashaariic horumarineed oo muhiim ah, kuwaas oo gacan ka geysan doona dib u dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha, iyo fursado shaqo abuur.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here