Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa ku guuleysatay isku darka Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, taasoo ah tallaabo lagu casriyeeynayo nidaamyada diiwaangelinta shacabka iyo socdaalka ee dalka.
Midayntaan waxay ujeedadeedu tahay in la fududeeyo isku xirka xogta Kaarka Aqoonsiga qaranka iyo tan baasaboorrada, oo ay mideesnaandaan xogaha shaqsiga ah ee labada hay’adood, iyadoo la hagaajinayo waxtarka iyo amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Xukuumadda ayaa tallaabadan ku tilmamatay mid muhiim ah intii lagu guda jiray tababar sabtidii loo qabtay shaqaalaha socdaalka ee safarada Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo lagu fahan-siinayey wada shaqeenta nidaamkan cusub, oo shaqadiisu ay bilaaban doonto bilowga bisha soo socota.
“Isku darka Hay’adda Aqoonsiga Qaranka iyo Waaxda Socdaalka waa guul aad u muhiim ah oo u ah Soomaaliya. Habkani isku xiran wuxuu ka dhigi doonaa habka mid ammaan ah, hufan, oo isdhexgal ah,” ayuu yiri Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar Clai Balcad.
Sida wasiirku sheegay, inkastoo nidaamka dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga, oo asna diiwaangelin leh, uusan hadda ku xirnayn nidaamkaan, haddana waxa uu sheegay in lagu xiro doono, oo ay si wadajir ah u shaqeyn doonaan. “Nidaamka Dad-dhigista, wuxuu dhawaan diyaar u noqon doonaa, waxaana ku shaqeynaynaa si aan u dhamaystirno midaynta guud ahaan dhammaan gobollada,” ayuu yiri wasiir Cumar.
Qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada dalka, oo ay ka mid yihiin Puntland iyo qeybo ka mid ah Jubaland, ayaa hadda ka shaqeynaya ama laga qaataa baasaboorrada, laakiin Hay’adda NIRA waxay weli wajahaysaa caqabado ku saabsan hirgelinta buuxda ee nidaamkaan, gaar ahaan goobahaas.
Isku xirkaan cusub ayaa daba socda Amar bislawgii bishan la soo saaray, kaas oo sharciyeenayey in qof kasta oo dalbanaya baasaboorka uu qasab ku yahay heesashada kaarka NIRA wixii ka bilaabma 1-da Sebteembar, iyadoo sidoo kale safaaradaha gudaha dalka lagu xiray kaarka wixii ka bilaawda 1 Janaayo 2026.
Arrintan mideysnaan la’aanta aqoonsiyada dalka ayaa sabab u ah in Maraykanka uu ku sheegay 4-ta Juun 2025 in “Soomaaliya aysan haysan maamul dhexe oo awood leh ama wada-shaqeyn leh oo bixiya baasaboorrada ama dukumeentiyada sharciga, isla markaana aysan lahayn habraacyo ku habboon oo lagu baaro iyo lagu xakameeyo,” taasoo sabab u ah mamnuucista baasaboorrada Soomaaliyeed ee dalkiisa.
Dowladda Soomaaliya waxay u aragtaa midaynta NIRA iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xallinayo welwelkaas iyo horumarinta awoodaha maamulka ee dalka.