Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag u dhaliilay Urur Goboleedka IGAD, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan wax faa’iido ah ka helin marka laga reebo dagaal, qalalaase, iyo dhibaatooyin kale.
Wasiir Fiqi oo ka jawaabayey su’aal ku saabsan haddii Soomaaliya ay qorsheyneyso ka bixitaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), maadaama waddamada Geeska Afrika aysan ka mid ahayn ururkaas, ayaa caddeeyay in IGAD uu yahay urur aan wax badan ka tarin Soomaaliya, marka la barbardhigo EAC, oo ah urur diiradda saaraya horumarka dhaqaalaha.
“Maxaan kasoo faa’iidnay suuqii sanka dhuubnaa (IGAD)? Waxaan ka helnay qori, dhib, qaraxyo iyo dhibaato kaliya. Marka wax faa’iido ah kama helin,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ka faa’iiday ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Soomaaliya iyo Iskaashiga Ururada Goboleedka
Wasiir Fiqi wuxuu xusay in ganacsatada Soomaaliyeed ay horeyba uga dhex muuqdeen wadamada xubnaha ka ah EAC, taasoo ka dhigtay in Soomaaliya si sahlan ugu dhex milanto ururkaas marka loo eego IGAD.
“Ganacsatadeenii markii horeba waxay xubin ka noqotay bulshooyinkaas (EAC), waxaana laga soo celiyay lacag iyo hanti,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Ururka IGAD, oo la aas-aasay 1996, waxa uu ka kooban yahay siddeed dal: Djibouti, Ethiopia, Kenya, Soomaaliya, Sudan, Uganda, Eritrea, iyo South Sudan. Ujeedkiisu wuxuu ahaa wax ka qabashada abaaraha iyo dhibaatooyinka deegaanka, balse Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in Soomaaliya aysan ka faa’iidin ururkaas marka loo eego EAC, oo ah urur kobcinaya dhaqaalaha dalalka xubnaha ka ah.
Dhanka kale, Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo la aasaasay 1967, dibna loo soo nooleeyay 2000, ayaa hadda ka kooban siddeed waddan: Soomaaliya, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Soomaaliya waxay si rasmi ah uga mid noqotay EAC bishii December 2023, kadib markii ay ku saxiixday heshiiska ku biirista Kampala, Uganda.
Macnaha Erayada Wasiirka iyo Asalka Xubnaha IGAD iyo EAC
Hadallada uu Wasiirka Arrimaha Dibadda adeegsaday, gaar ahaan “suuqii sanka dhuubnaa”, ayaa asal ahaan lagu yaqaannaa dalalka Geeska Afrika marka la barbardhigo waddamada kale ee Bariga Afrika, sida Kenya iyo Tanzania, oo leh bulshooyin kala duwan.
Qowmiyadaha Bantu-ga ee Afrika waxaa lagu gartaa muuqaal ay ka mid yihiin sanka ballaaran, iyagoo si weyn ugu nool waddamada xubnaha ka ah EAC sida Kenya, Tanzania, Uganda, Burundi, iyo DRC. Halka IGAD ay ka kooban tahay dalal aan intooda badan lahayn bulsho badan oo Bantu ah.