Thursday, July 31, 2025

Soomaaliya iyo Kenya oo Xoojiyay Xiriirkooda Iskaashi iyo Derisnimo

By Abukar Osman

Changsha, Shiinaha –  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Abdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Kenya, Musalia Mudavadi, intii uu socday Shirka Heer-Wasiir ee Isuduweyaasha FOCAC oo lagu qabtay magaalada Changsha, Shiinaha.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, kulankan ayaa loogu wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo Wasiir Dhaay uu carrabka ku adkeeyay in dhammaan iskaashiyada iyo wada-hadallada laba-geesoodka ah loo maro hay’adaha dastuuriga ah ee Soomaaliya.

“Wasiirku wuxuu si xooggan u muujiyay in la dhowro madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay aasaaska deris wanaagga iyo xasilloonida guud ee gobolka.” Ayaa lagu yiri qoraalka

Dhankiisa, Wasiir Mudavadi wuxuu mar kale ku celiyay taageerada Kenya ee madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo xusay in Kenya ay ku salaynayso xiriirka labada dal mabaa’diida deris wanaagga iyo xushmadda madax-bannaanida qarannimo.

Wasaradda ayaa sheegtay in Labada dhinac ay isku afgarteen in la dedejiyo qabsoomidda kulanka Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Kenya (JCC), si loo dhammaystiro heshiisyadii hore ee hakadka galay loona horumariyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo amniga.

Kulankan ayaa imaanaya kadib isbuucyo ka hor markii ay Somalilanad Xafiis wakiilnimo ka furatay magaalada Nairobi ee dalka kenya .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here