Friday, May 30, 2025
Array

Soomaaliya iyo Mareykanka oo Xoojinaya Iskaashiga Amniga.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Maxamed Fiqi, ayaa yeeshay kulan lagu xoojinayey iskaashiga labada dal ee la-dagaallanka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan la-dagaallanka kooxaha Al-shabaab iyo Daacish iyo  sugidda nabadgelyada gudaha dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Labada mas’uul ayaa ku adkeystay muhiimadda iskaashiga joogtada ah iyo taageerada caalamiga ah ee dhinacyada amniga.

Wada-hadalladani waxay muujinayaan muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka ee la-dagaalanka kooxaha ka dagaalama Soomaaliya ee Daacish iyo Al-shabaab.

Labada waddan ayaa mar kale ku celiyay sida ay uga go’an tahay aragtidooda wadajirka ah ee nabad waarta iyada oo loo marayo iskaashi xooggan oo dhinacayada amniga iyo xaasiloonida.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Soomaaliya wajahaysaa caqabado amni oo joogto ah, waxaana la filayaa in iskaashigan uu kaalin weyn ka qaato xasilinta gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here