Wednesday, September 10, 2025

Soomaaliya oo qarka u saaran iney noqoto goob Dagaal

Muqdisho (Dawan)- Khilaafka ku saabsan biyo-xireenka GERD ayaa si toos ah u saameeyay ammaanka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb galay xafladdii furitaanka biyo-xireenka, xilli Masar ay u dhowdahay inay ciidamo u dirto Muqdisho.

Warbixin cusub oo ey soo saartay Balqiis Insights ayaa ka digeysa in Soomaaliya ay isu rogi karto goob dagaal oo ka mid noqota loollanka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya kuwanina waa qodobo ay muhiim  tahay in aad ogaato

Ciidamada Masar ee Soomaaliya

  • Masar ayaa qorsheyneysa inay ciidamo u dirto Soomaaliya  kuwaas oo qayb ka ah istaraatiijiyad ay ku ballaarinayso saameynteeda Geeska Afrika, isla markaana ay kaga hortagto Itoobiya.
  • Talaabadan waxa ay ku xiran tahay khilaafka Masar iyo Itoobiya ee biyaha Nile iyo biyo-xireenka GERD. Xiisaddii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 2024 ayaa furtay fursad ay Masar uga soo muuqato xulafada amniga Soomaaliya.
  • Iyada oo taageeraysa Soomaaliya, Masar waxay dooneysaa inay cadaadis ku saarto Itoobiya, ka xannibto saameynteeda gobolka, isla markaana xoojiso kaalinteeda ku aaddan ammaanka Badda Cas iyo Bab-el-Mandeb.

Doorka Milatari iyo Siyaasadeed

  • Masar ayaa horey Soomaaliya ugu wareejisay hub culus (madfac iyo nidaamyo lidka diyaaradaha), waxayna markab hub ku raran geysay Muqdisho bishii September 2024.
  • Saraakiisha Masaarida  ayaa laga yaabaa inay adeegsadaan waayo-aragnimadooda dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee Siinaay si ay u tababaraan ciidamada Soomaaliya. Waxaa sidoo kale qorshaysan tababaro wadajir ah oo dhulka, cirka iyo badda ah.
  • Masar waxay iska dhigeysaa inay tahay mid ka shaqeyneysa midnimada Carabta iyo Afrika.

Caqabadaha iyo Khataraha

  • Masar ma laha khibrad dheer oo ku saabsan xaaladda dagaalka Soomaaliya marka loo eego dalalka sida Uganda, Kenya ama Itoobiya.

Soomaaliya oo Noqonaysa Goob  dagaal Wakiil ka noqoneysa

  • Soomaaliya ayaa isu beddeleysa goob dagaal wakil ka  ah oo khilaafka GERD ku saleysan.
  • Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa ku eedeeyay Soomaaliya inay la shaqeyneyso Masar si loo wiiqo xasilloonida gobolka.
  • Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku gooddiyay “aargoosi culus” haddii ciidamo shisheeye ay khatar ku noqdaan Itoobiya, halka Madaxweyne Sisi uu ballan qaaday inuu Soomaaliya ka difaaci doono gardarro kasta.
  • Falanqeeyaasha ayaa ka digaya in Soomaaliya ay isu rogi karto goob dagaal oo toos ah haddii wadahadalada diblomaasiyadeed fashilmaan.

Saameynta Juquraafi Siyaasadeed

  • Haddii ciidamo la geeyo, waxay muujin doonaan isbeddel weyn oo ah in Soomaaliya ay ka sii leexanayso saameynta Itoobiya loona jeesanayo xulafada ku wajahan Masar (Sudan, Jabuuti, Ereteriya).

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here