Saturday, May 24, 2025

Soomaaliya oo Bilowday Talaalka Cudurrada jadeecada, Dabeysha iyo Oofwareenka

Muqdisho — Dowladda Soomaaliya ayaa 19 May si rasmi ah u bilowday olole talaal, kaas oo looga golleeyahay in lagaga hortego cudurrada jadeecada, dabeysha, iyo Oof wareenka, iyadoo la beegsanayo in in ka badan 3 milyan oo carruur ah oo ku nool Soomaaliya.

Ololahan oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa waxaa si wadajir ah u hirgeliyey Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo dowladaha federaalka iyo dowlad-goboleedyada Soomaaliya, iyadoo loo marayo iskaashi ballaaran oo lagu xoojinayo caafimaadka bulshada iyo ilaalinta carruurta nugul.

Hay’adda WHO ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in bartilmaameedka ololaha uu yahay in carruurta iyo bulshooyinka nugul laga ilaaliyo cudurrada halista ah ee la iska caabin karo, iyadoo taageero ka heleysa ururka GAVI (Vaccine Alliance) oo ka caawiya talaalka carruurta.

Yoolka ololahan ayay WHO ku sheegtay in la tallaalo 3.1 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka hooseyso shan sano, si looga hortago cudurrada jadeecada, dabeysha, iyo Oof wareenka, oo ah cudurro halis ku ah caafimaadka carruurta Soomaaliyeed.

“Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya weli waxay wajahaysa caqabado amni oo muddo dheer jiray, kuwaas oo adkeeyay in si joogto ah loo gaarsiiyo tallaalka carruurta iyo bulshooyinka nugul,” ayaa lagu yiri bayaanka hay’adda.

WHO ayaa sidoo kale sheegtay in xarumaha caafimaadka dalka ay burbureen sababo la xiriira colaadaha, saboolnimada, iyo dhibaatada cimilada, taas oo sii adkaysay la dagaalanka cudurrada faafa, iyadoo noocyo cusub oo polio ah ay weli khatar ku yihiin carruurta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here