Wednesday, October 23, 2024

Soomaaliya oo heshay $ 100 milyan oo wax looga qabanayo isbedalka cimilada

Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya waxay markii ugu horeysay heleysa lacag dhan 100 milyan oo doolar, si loo fuliyo mashruuca kor loogu qaadayo u adkeysiga bulshada Soomaaliyeed ee isbedalka cimilada.

Go’aankaan waxaa lagu qaatay kalfadhigii afartanaad ee guddiga fulinta Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo kaas oo ka dhacay inta u dhaxeysay 21-24 bishaan October Songdo, Incheon, ee dalka Koonfur Kuuriya.

Qorshaan oo ay hormuud ka tahay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), ayaa awood u siin doona malaayiin isagu jira beeralay iyo xoolo-dhaqato inay la qabsadaan saamaynta sii kordhaysa ee isbeddelka cimilada, sida abaaraha, fatahaadaha, iyo biyo la’aanta.

FAO waxay Soomaaliya iyo Ciraaq u doortay inay ka taageerto maalgashigii ugu horreeyay ee isbeddelka cimilada . ” Labada mashruuc ee laga fulinayo labadan dal waxay tusaale u yihiin sida ay FAO uga go’an tahay wax-ka-qabashada cimilada iyada oo wax ka beddelaysa nolosha beeralayda, si loo dhiso nidaam u adkaysan kara isbedelka cimilada”, sidaas waxaa sheegay Kaveh Zahedi, oo ah Agaasimaha Xafiiska FAO ee Isbeddelka Cimilada.

Soomaaliya waxay wajaheysaa caqabado adag oo ay ka mid yihiin faqriga iyo colaadaha. Arrimahaas waxay uga sii darayaan isbeddelka cimilada, gaar ahaan dhacdooyinka soo noqnoqday sida abaaraha iyo fatahaadaha kuwaas oo khatar ku ah sugnaanshaha cuntada ee dalka oo markii horeba aan la isku halayn karin.

“Farxad ayay ii ahayd inaan manta goob-joog u ahaado ansxinta Mashruuci ugu horeeyey oo gaar u ah Soomaaliya ($100 Malyuun), kaas oo lagu maalgelin doono sare u qaadidda Adkaysiga Isbeddelka Cimilada ee Bulshada Soomaaliyeed.” sidaas waxaa tiri; wasiirka Deegaanka iyo isbedelka cimilada, Khadiija Maxamed Al-makhzoumi

Waxay intaas raacisay, in tillaabadan ay billow u tahay dadaalka ay wasaaraddu ugu jirto yaraynta nugaylka iyo khatarha isbeddelka cimilada Soomaaliya iyo sido kale sare u qaadidda sugnaanta cuntada ee dalka .

Sanduuqa Cimilada Cagaaran waa sanduuq lagu aasaasay Axdiga Qaramada Midoobay ee wax ka qabashada Isbeddelka Cimilada . Waa hay’ad loogu tala galay inay dhanka maaliyadda ka taageerto waddamada soo koraya si ay ula qabsadaan una yareeyaan saameynta isbeddelka cimilada. Xaruntiisa waxay ku taal magaalada Incheon ee Koonfur Kuuriya, iyada oo dhidibada loo taagay sanadkii 2010kii, waxaana maamula gole ka kooban 24 xubnood.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here