Wednesday, March 12, 2025

Waa Maxay Qalabka Caafimaad ee Soomaaliya la Soo Gaarsiiyay?

Soohoyde

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay qalab caafimaad iyo gaadiidka gurmadka degdegga ah oo ku kacaya in ka badan $7 milyan, kuwaas oo ay ugu deeqday Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO). Gargaarkan caafimaad ayaa la doonayaa in lagu xoojiyo adeegyada gurmadka degdegga ah ee dalka, waxaana loo qorsheeyay isbitaallo ku yaalla magaalooyin kala duwan.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u guddoomay deeqdan, isagoo xusay in qalabkan loo qeybin doono Isbitaalada De Martino, Banaadir, Hargeysa, Kismaayo, Cadaado iyo Baydhabo si sare loogu qaado tayada daryeelka caafimaadka.

Wakiilka WHO ee Soomaaliya ayaa sheegtay in mashruucaan uu si weyn u taageeray Bangiga Adduunka, isla markaana uu wax ka tari doono badbaadinta nolosha dad badan oo u baahan adeegyo caafimaad oo degdeg ah.

Taageeradan waxay timid xilli muhiim ah oo Soomaaliya ay dadaal ugu jirto horumarinta kaabeyaasha caafimaadka. Maalgelinta Bangiga Adduunka ayaa noo suurtagelisay in aan keenno qalab lagama maarmaan u ah daryeelka bukaannada,” ayay tiri wakiilka WHO ee Soomaaliya .

Intii lagu guda jiray xafladda wareejinta, Wasiirka Caafimaadka, Cali Xaaji, ayaa caddeeyay in qalabkan si degdeg ah loo gaarsiin doono isbitaallada loogu talagalay.

Dhinaca kale, qalabkan gargaarka ah wuxuu sidoo kale fursado shaqo u abuuri doonaa 40 shaqaale oo ka shaqeyn doona isbitaallada la gaarsiinayo, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here