Saturday, June 7, 2025

Muwaadiniinta Soomaaliya oo laga mamnuucay inay Galaan Maraykanka

WASHINGTON, USA – Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 12 wadan oo laga mamnuucay inay galaan Maraykanka, kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald J. Trump, 4 June 2025 uu saxiixay sharciga xaddidaya gelitaanka muwaadiniinta dalalkan, kaasoo lagu baahiyay bogga aqalka cad.

Muwaadiniinta Soomaalida ee laga mamnuucay gelitaanka Maraykanka ayaa isugu jira kuwo doonaya inay si joogto ah u degaan iyo kuwo ku meel gaar ah u tagaya.

Qoraalka ka soo baxay Aqalka Cad ayaa sheegay in sababta Soomaaliya liiskaan loogu daray ay tahay in aysan lahayn awood dowladeed oo ku filan si ay u bixiso baasaboorka ama dukumiintiyada sharciga ah. Sidoo kale, waxaa lagu xusay in aysan haysan habab ku filan oo lagu hubinayo dadka soo galaya.

Mareynkanka waxa uu sheegay in Soomaaliya ay kaga duwan tahay dalalka kale ee laga mamnuucay, iyadoo ay liidato awoodda dowladda dhexe ee ay ku xakamayso dhulkeeda, sidoo kalena ay Soomaaliya si isdaba joog ah uga gaabisay inay aqbasho muwaadiniinteeda laga masaafuriyay Maraykanka ama loo arko in la masaafurin karo.

Dowladda Maraykanka ayaa sido kale Soomaaliya ku tilmaantay meel kooxaha argagixisada ay u adeegsadaan deegaanada Soomaaliya sidii meelaha ay ka qorsheeyaan, fududeeyaan, kuna fuliyaan hawlgalladooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here