New York (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Arbacadii ka jeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bayaan rasmi ah oo ay ku mataleyso kooxda A3+ — oo ka kooban Algeria, Guyana, Sierra Leone iyo Soomaaliya — iyada oo ugu baaqday beesha caalamka in la dardar-geliyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xakameynayo colaadaha ka taagan Yemen iyo Qaza.
Bayaanka waxaa jeediyay Danjire Maxamed Yuusuf, Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, isaga oo metelayay mowqifka wadajirka ah ee waddamada A3+.
Danjiraha ayaa si cad u muujiyay walaac xooggan oo la xiriira sii kordhaya xiisadaha gobolka, gaar ahaan iska-horimaadka u dhexeeya xoogagga Xuutiyiinta iyo Dowladda Israel. Bayaanka ayaa cambaareeyay jebinta xeerarka caalamiga ah ee dagaalka, wuxuuna xusay in xasillooni darrada Yemen ay si toos ah ugu xiran tahay colaadda ka taagan Qaza, isagoo ka digay halista uu dagaalku ugu faafi karo guud ahaan gobolka.
“Xabbad-joojin degdeg ah oo waarta oo ka dhacda Qaza waa lama huraan si loo yareeyo silica dadka rayidka ah, loona xakameeyo saameynta dagaalka ee hadda gaartay Yemen,” ayaa lagu yiri bayaanka A3+.
Kooxda A3+ waxay si weyn u soo dhoweeyeen dadaallada dhexdhexaadinta ah ee ay wadaan Maraykanka, Masar iyo Qadar, iyaga oo ku baaqay taageero caalami ah oo joogto ah si loo yareeyo xiisadaha iyo in dib loo bilaabo wadahadallo siyaasadeed oo dhab ah oo ku saabsan Yemen.
Sidoo kale, bayaanku wuxuu iftiimiyay walaaca ka taagan weerarrada Xuutiyiintu la beegsanayaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah iyo duqeymaha cirka ee Israel ka fulisay gobolka Hudaydah, kuwaas oo khatar ku ah dadka rayidka ah isla markaana sii hurin kara fiditaanka colaadda gobolka.
Dhinaca horumarka gudaha Yemen, A3+ waxay bogaadiyeen heshiiska wadaagga biyaha magaalada Taiz oo ay gaareen hay’adaha biyaha ee labada dhinac, iyo furitaanka waddooyin horey loo xiray, arrimahaas oo qeyb ka ahaa hirgelinta heshiiskii xabbad-joojinta ee 2022. Ugu dambeyntiina, A3+ waxay mar kale muujisay taageerada ay u hayaan Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Hans Grundberg, iyaga oo ugu baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka ee ay hayaan xoogagga Xuutiyiinta, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee bani’aadannimada.