Monday, September 16, 2024

Soomaaliya oo loogu deeqay malaayiin dollaar oo wax looga qabanayo cimilada

Muqdisho (Dawan)- Maamulka sare ee Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay lacag dhan 125 milyan oo doolar oo loogu talagalay maalgelinta siyaasadda horumarinta, iyada oo ay ka faa’iideysan doonaan 180,000 oo xoolo-dhaqato ah oo ay ku jiraan 90,000 oo haween ah.

Taageeradan ayaa ah tii ugu horreeyay ee nooceeda ah, waxayna ka mid tahay dadaalladda lagu kobcinayo dakhliga, maareynta deymaha, kordhinta maalgashiga casriga ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

“Waxaan uga mahadcelineynaa Agaasimayaasha Fulinta Bangiga Adduunka aansixinta deeqda Maalgelinta Siyaasadda Horumarinta ee $ 125 milyan USD . Kaalmadan maaliyadeed waa mid ku soo beegantay waqtigii loogu talagalay waxayna taageeri doontaa horumarinta dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya sida kor u qaadista dakhliga gudaha, xoojinta maamulka maaliyadda dowladda, kor u qaadista maareynta deymaha iyo taageeridda horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay” ayuu yiri, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay inay dadkeeda gaarsiiso mustaqbal wanaagsan oo ay ugu adkaysan karaan dhibaatooyinka ka dhasha isbedelka cimilada.

Ujeedooyinka waaweyn ee deeqda

Deeqdan oo ah tii ugu horeysay nuuceeda oo ka kooban laba qayb, waxaa loogu tala galay;

  • In la siiyo 180,000 oo xoolo-dhaqato ah caymis ka dhan ah abaaraha, iyadoo la hiigsanyo yareynta saameynta isbedelka cimilada.
  • In maalgelin la gaarsiiyo dadka dakhligoodu hooseeyo, gaar ahaan dadka ku nool goobaha u nugul isbedelada cimilada sida beeralayda iyo kalluumeysatada.
  • In la ballaariyo helitaanka koronto la awoodi karo qarashaadkeeda iyo in la taageero horumarinta kalluumeysiga.
  • In la tageero maalgelinta adeegyada guud ee muhiimka ah iyo in kor loo qaado koboca dhaqaalaha

    Deeqdan waxay astaan ​​u tahay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya inay sii waddo dib-u-habaynta qaab-dhismeedka muhiimka ah ka dib markii ay ka gudubtay dayntii badneed ee lagu lahaa, waxeyna waddada u xaareysa mustaqbal xasilloon oo waara,” ayay tiri Kristina Svensson, oo Bangiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya.

Wax ka qabashada Isbedelka Cimilada iyo Saboolnimada

Soomaaliya waxay aad ugu nugushahay saameynta isbeddelka cimilada, iyadoo ay kusoo noqnoqdaan abaaro iyo fatahaado saameeyay nolosha bulshada. Taageerada Bangiga Adduunka waxa ay la jaan qaadeysa Qaab-dhismeedka maaliyadda Soomaaliya ee sanad maaliyadeedka 2024-2028, iyada oo ujeeddadeedu tahay in la gaaro koboc loo dhan yahay iyo bulsho awood u leh u dkaysiga isbedelka cimilada.

Hiigsiga fog


Hindisaha Bangiga Adduunka waxa uu ka qayb qaadanaya howlgalka ballaaran ee diiradda lagu saarayo Soomaaliya xasiloon, iyada la xoojinayo horumarinta waaxyaha gaarka ah iyo kobcinta dhaqaalaha, si awood loogu yeesho isbedelka cimilada.

Tillaabadan waxay ka mid tahay ballanqaadyada Bangiga Adduunka ee wax looga qabanyo saboolnimada, farqiga u dhexeeya jinsiga iyo sare u qaadida horumarinta dhaqaalaha.

Maaddaama Soomaaliya ay weli wajaheyso caqabado badan oo is dulsaaran, deeqdani waxay ka dhigan tahay tillaabo muhiim ah oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka soo noqnoqday sidoo kalena gaarsiin kara mustaqbal wanaagsan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here