By Asha Elmi
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u codsatay in la Joojiyo hab-raaca isbaheysiga saxiibada caalamiga ah ee loo yaqaano C6+, iyadoo sabab uga dhigtay in uu si khaldan u muujinayo” in Soomaaliya weli ku jirto hoggaan siyaasadeed oo banannaka laga hago.
Warqad rasmi ah oo taariikheedu yahay 10-kii Juun 2025, kana timid Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa lagu wargeliyay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan in qaab-dhismeedka C6+ aanu waafaqsanayn xaalada cusub ee Soomaaliya.
“C6+ waxaa la abuuray xilli ay Soomaaliya ku jirtay marxalad kala-guur ah oo ay aad u liiteen hay’adaha dowliga ah, madax-bannaaniduna ay xadidnayd. Maanta xaaladdaasi gabi ahaanba way is beddeshay,” ayaa lagu yiri warqadda.
Xubnahaan C6+ ayaa ka kooban wakiillo ka kala socda Itoobiya, Talyaaniga, Iswidhan, Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka, Midowga Afrika (AU), Midowga Yurub (EU) iyo Hay’adda Iskaashiga Dawladaha Bariga Afrika (IGAD),iyadoo loo aasaasay 15 sano kahor si ay u taageerto Soomaaliya xilligii kala-guurka ee siyaasadeed.
Dowladdu waxay sidoo kale muujisay in sii tixraaca C6+ uu si khaldan u muujinayo” in Soomaaliya wali ku jirto gacan-sareyn siyaasadeed oo ay waddo beesha caalamka, taasoo dhaawacaysa sharciyadda iyo biseylka hay’adaha dimuqraadiyadda ee dalka.
Sidaas darteed, dowladda ayaa C6+ ku tilmaantay qaab-dhismeed duugoobay oo aan hadda waxtar u lahayn xaaladda dalka. Waxay ku boorrisay dhammaan saaxiibada caalamiga ah in ay Soomaaliya ula macaamilaan si toos ah oo xiriir labadhinle ah (bilateral), iyagoo adeegsanaya habab rasmi ah oo waafaqsan madax-bannaanida dalka.
Baaqan ayaa imaanaya maalmo kadib markii safiirada C6+ ay Muqdisho kula kulmeen hogaamiyayaasha mucaaradka.
Xubnhaan C6+ ayaan ila ahadda wax jawaab ah dhankooda aan soo saarin.