Sunday, May 4, 2025

Soomaaliya oo shaacisay sababta ay u mamnuucday baasaboorka Taiwan

Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xilka ka degaya ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay sababaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay u mamnuucday baasaboorka Taiwan, isagoo arrintaasi kaga hadlay xafladdii wareejinta xilka oo maanta ka dhacday Muqdisho.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in go’aankaasi uu salka ku hayo taageerada muuqata ee Taiwan ay siineyso siyaasiyiinta Somaliland iyo mashruucyo uu ku tilmaamay kuwa khatar ku ah midnimada qaranka. Wuxuu xusay in Taiwan ay qorsheyneyso booqasho rasmi ah oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan uu ku tago Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay dadaal lagu sii xoojinayo barnaamijka gooni-goosadka.

“Taiwan waxa ay gudaha Somaliland ka furtay xafiis ay ugu yeerto safaarad, waxayna tababareen saraakiil ciidan oo ka qeyb qaatay dagaalladii deegaanka ka dhacay. Magacyadooda waa la yaqaan, khatar bay ahaayeen, annaguna waan ka hortagnay,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Fiqi wuxuu intaas ku daray in go’aanka Soomaaliya uu yahay mid madax-bannaan oo aan lala xiriirin karin Shiinaha, inkasta oo Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay mabda’a “Hal Shiin” oo kasoo horjeeda aqoonsiga Taiwan.

“Go’aankeenna wuxuu ku dhisan yahay mabda’a siyaasadeed ee aan aaminsannahay iyo waajibka naga saaran ilaalinta midnimada dalka. Sidaas darteed, waxaan si rasmi ah u xannibnay baasaboorka Taiwan in lagu soo galo dhulka Soomaaliya, laga bilaabo cirif ilaa cirif,” ayuu ku daray Wasiir Fiqi.

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha uu sii xoogeysanayo, iyadoo dowladda Federaalka ay marar badan muujisay mowqifkeeda cad ee kasoo horjeeda aqoonsiga Taiwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here