By Asha Elmi
Shabeellaha Dhexe, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo gacan ka helaya saaxiibada caalamiga ah, ay howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe ku dileen 13 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya 11 Juun 2025, ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 13 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogeyaal, halka tiro kale lagu dhaawacay.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday xarun ay ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab deegaanka Buurta Cadayga oo ku dhow Ceel Baraf, gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu burburiyay saanad hub oo halkaasi lagu diyaariyay.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in xaruntaas ay Al-Shabaab ku abaabulayeen falal amni-darro ah, oo ay la damacsanaayeen shacabka deegaanka.
Duqayntaan ayaa kusoo beegantay xilli gobolka Shabeellada Dhexe bilihii la soo dhaafay ay ahayd furin ay ku dagaallamayaan ciidamada dowladda iyo macawisleyda oo isku dhinac ah, iyo Al-Shabaab oo dhinac kale ah.