Tuesday, April 1, 2025

Somalia oo US u soo bandhigtay saldhigyo ciidan iyo dekado

By Sayyid Omar

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo jeedisay hindise ay ku siineyso Mareykanka heshiisyo gaar ah oo ku saabsan sal-dhigyo militari iyo ilo dhaqaale oo muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin Garoomada Balidogle iyo Berbera iyo Dekadaha Berbera iyo Boosaaso, si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

Qoraal ku taariikhaysan Maarso 16, 2025, oo loo diray Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump, ayay Soomaaliya ku xustay muhiimadda iskaashiga labada dal.

“Soomaaliya waxay muddo dheer ahayd saaxiib la isku haleyn karo oo gacan ka geysta xasilloonida gobolka iyo fududeynta marin u helidda istiraatiijiga ah ee gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay in dalabkan uu ujeedkiisu yahay in Mareykanku uu xoojiyo joogitaankiisa militari ee Geeska Afrika. Warqadda ayaa xustay in goobaha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya ay siinayaan Mareykanka ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo hawlaha militari iyo sahayda, isla markaana la xakameeyo awoodaha tartan ka jira gobolka.

“Goobaha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya waxay Mareykanka siinayaan fursad uu ku xoojiyo joogitaankiisa gobolka, iyadoo la hubinayo in uu helo marin militari iyo mid sahay oo aan hakad gelin, isla markaana laga hortago in tartamayaal shisheeye ay saldhig ka samaystaan marinkan muhiimka ah.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay soo jeedisay in ay siiso Mareykanka fursado dhaqaale oo gaar ah oo ay ka mid yihiin Aagag Ganacsi Xor ah si kor loogu qaado maal-gashiga Mareykanka ee Soomaaliya.

“Iskaashi adag oo dhex mara Soomaaliya iyo Mareykanka wuxuu xoojin doonaa amniga gobolka, horumarin doona wada-shaqeynta dhaqaale, wuxuuna sare u qaadi doonaa himilooyinka istiraatiijiga ah ee labada dal,” ayaa lagu sheegay qoraalka dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale casuumaad u fidisay Mareykanka si ay uga qeyb galaan wadahadallo dheeraad ah oo ka dhici doona Muqdisho. Ilaa iyo hadda, lama hayo war rasmi ah ah oo ka soo baxay dowladda Mareykanka, lana xiriira soo jeedintaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here