Monday, September 8, 2025

Soomaaliya oo raadineysa iskaashi ku saabsan maamulka xuduudaha

Muqdisho (Dawan) – Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Hay’addu ay xoogga saarayso xakameynta xuduudaha iyo la shaqeynta saaxiibada caalamka, taasi oo qeyb ka ah dadaallada wax looga qabanayo amniga.

Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda ayaa Wakaaladda Anadolu u sheegay Isniintii in Hay’adda oo ka mid ah Hay’adaha Federaalka ugu waaweyn ee dalka oo ay ka shaqeeyaan in ka badan 1,400 oo shaqaale ah — ay u xilsaaran tahay ka hortagga safarrada aan la fasixin, isla markaana ay kaalin sii kordheysa ka ciyaareyso nidaamka guud ee amniga Soomaaliya.

“Nidaamka socdaalka dhab ahaantii waxa uu soo maray waddo dheer,” ayuu yiri Dhuxulow, isagoo dib u xusuusiyay in hay’adda oo la aas aasay 1946-kii, ay horay uga hoos shaqeyn jirtay Booliska Soomaaliya, markii dambena ay hoos imaan jirtay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

Sida uu sheegay Dhuhulow, hay’adda ayaa dhawaan soo bandhigtay nidaamka ay taageereyso Maraykanka ee Isbarbardhigga Sugan ee Aqoonsiga Shakhsi ahaaneedka iyo Nidaamka Qiimaynta (PISCES), kaas oo lagu xaqiijiyo dadka socdaalka ku jira marka ay ka soo galaan ama ka baxaan dalka. Waxa uu intaas ku daray in shaqaalaha la tababarayo si loo hubiyo in dhammaan socdaalka si rasmi ah loo diiwaangeliyo.

Dhuhulow wuxuu sheegay in Soomaaliya heshiis la gashay Interpol si ay uga faa’iidaysato liisaska kormeerka caalamiga ah, isla markaana ay xiriir la yeelatay dalal ay ka mid yihiin UK, Jarmalka, Iswiiserlaand, Noorway iyo Finland si loo ballaariyo iskaashiga.

Dhuhulow ayaa ku tilmaamay Türkiye “xulafo dhow” oo taageero ka siiya arrimaha amniga Soomaaliya, isaga oo sheegay in Muqdisho ay dooneyso iskaashi ballaaran oo ku saabsan tababarka shaqaalaha, horumarinta awoodda maamulka socdaalka iyo aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga.

“Türkiga waa walaalaheen, muddo dheer ayey nala joogeen, waxayna nagu caawiyeen arrimo badan,” ayuu yiri. “Waxaan rabnaa inay nala shaqeeyaan oo ay nagu taageeraan aqoonsiga baasaboorka.”

Wuxuu tilmaamay duullimaadyada maalinlaha ah ee Turkish Airlines inay caddeynayaan xiriirka adag ee labada dal, balse waxa uu ku baaqay in Ankara ay kordhiso taageerada ay siiso Soomaaliya.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in maamulka socdaalka uu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, isla markaana dowladdu ku dadaaleyso in nidaamkeeda loo waafajiyo heerarka caalamiga ah.

Isha:Wakaaladda Anadolu

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here