Saturday, July 19, 2025

Soomaaliya oo soo gabagabeeneysa Shirka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika

Soohoyde

Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furtay maalintii ugu dambeysay ee shirarka 34-aad ee Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (EASF), waxaana shir guddoominayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ah guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Difaaca ee EASF.

Shirka oo galay maalinkii shanaad ayaa furmay 15-kii July, waxaana isugu yimid wasiirrada difaaca, taliyeyaasha ciidamada, khubaro amni, diblomaasiyiin iyo siyaasiyiin ka kala socday 10-ka dal ee xubnaha ka ah EASF. Ujeedka shirku wuxuu ahaa xoojinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada nabadda iyo amniga, iyo qiimeynta caqabadaha amni ee ka jira gobolka.

Wasiir Fiqi oo khudbada furitaanka shirka ee Wsaiirada Gaashaandigga wadamada ee Ciidanka Heeganka Bariga Afrika ka jeediyay ayaa yiri: “Shirkan ka dhacaya Muqdisho wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay Soomaaliya inay horumariso nabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga Bariga Afrika. Waxaan rajeyneynaa in natiijooyinka shirka ay horseedi doonaan aragti mideysan oo amniga gobolka ah.”

Wuxuu si gaar ah diiradda u saaray wasiirka wax ka qabashada caqabadaha gobolka sida argagixisada, colaadaha gudaha iyo saameynta isbeddelka cimilada ee amniga. Wuxuu ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah EASF in ay yeeshaan istiraatiijiyad mideysan oo amni, iyo in ay xoojiyaan is-weydaarsiga xogta sirdoonka.

Shirka sannadkan 2025 waxaa hal-ku-dheg looga dhigay “Labaatan Sano oo Dadaal loogu Jiray Horumarinta Nabadda iyo Amniga Bariga Afrika,” taas oo lagu xusayey 20 guurada aas-aaska EASF ee 2004 iyo 10 guurada bilowgii hawlgalka rasmiga ah ee 2014.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM, horey ATMIS) kaalinta ay ka qaateen xasillinta dalka, wuxuuna xusay in taageeradoodu ay sal u tahay horumarka laga gaaray amniga gudaha.

Waa maxay EASF?

Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (EASF) waa urur amni oo goboleed ah oo loogu talagalay inuu si degdeg ah uga jawaabo xaaladaha degdegga ah ee Bariga Afrika iyo Geeska Afrika. Wuxuu taageeraa howlgalada nabad ilaalinta, xallinta khilaafaadka, iyo dadaallada gurmadka bani’aadamnimo ee gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here