Tuesday, September 2, 2025

Qodobada ugu waaween Wararka Dunida oo kooban

Muqdisho

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay fuliyeen laba duqeyn oo ka dhan ah al Shabaab, iyagoo sheegay inay la kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Bayaan kasoo baxay AFRICOM 1-dii Sebteembar ayaa lagu sheegay in weerarradu dhaceen 30-kii Agoosto 2025.

Hargeysa

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Isniintii sheegay in howlgal ay ka sameeyeen lagu qabtay hal eedeysane iyo gaari siday xashiish, khamri iyo kaniiniyo maandooriye kale oo shaci darro ku soo galay Somaliland.

Garoowe

Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay dileen dagaallamayaal ka tirsan kooxda Daacish intii lagu guda jiray howlgal ka dhacay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Jowhar

Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa Isniintii sheegay in wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Masar ay gaareen magaalada Jowhar, iyagoo sameeyay kormeer ka horeeya ciidamo la filayo in Masar keento.

Muqdisho

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa meesha ka saaray suuragalnimada in dowladda mar kale dib ugu noqoto qodobo ka mid ah heshiiskii dhawaan lala galay qayb ka mid ah Madasha Samatabixinta, ama ay tanaasul kale ka samayso qodobada weli ay mucaaradku diidan yihiin si loo qanciyo Madasha aan weli saxiixin.

Belgrade

Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Serbia ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga caafimaadka, kaas oo kor u qaadaya heerka wada-shaqeynta wasaaradaha caafimaadka ee labada dowladood.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here