Sunday, September 14, 2025

Soomaaliya oo caalamka ka codsatay taageero Nidaamka Cuntada ah

Addis Ababa (Dawan) – Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniintii ugu baaqay beesha caalamka in ay kordhiyaan taageerada iyo maalgelinta nidaamyada cuntada, isagoo khudbad ka jeedinayay furitaanka Shirka Qaramada Midoobay ee Dib-u-eegista Nidaamyada Cuntada (UNFSS+4) ee ka socda Addis Ababa.

Madaxweynaha oo la hadlayay madaxda caalamka iyo wakiillo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayo caqabado isbiirsaday oo ay ka mid yihiin colaado daba dheeraaday, cunno yari sii kordhaysa, iyo saameynta sii xumaanaysa ee isbedbedelka cimilada. Wuxuuna tilmaamay in aan laga maarmin iskaashi caalami ah.

Madaxweyne Xasan ka yiri shir-madaxeedka, “Waxaan codsaneynaa iskaashi caalami ah iyo helitaanka maalgelin cimiladeed oo caddaalad ah, hal-abuurnimo iyo gargaar farsamo.”

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad kala bar dadka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin miyiga, halka in ka badan afar milyan ay la daalaa-dhacaayaan cunno yari ba’an.

Beeraha ayaa ah la sheegaa Somaaliya in ay yhiin  laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, iyadoo lagu qiyaaso in ay bixiyaan in ka badan 70% Waxsoosaarka Guud ee Gudaha, isla markaana ay shaqo siiyaan ku dhowaad 80% dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay hirgelisay Istaraatijiyadda Isbeddelka Beeraha, taasoo xooga saaraysa hagaajinta maamul-wanaagga, kor u qaadista wax-soosaarka, iyo kobcinta ganacsiga beeraha. Wuxuu intaas ku daray in dowladda ay maalgelinayso siyaasad taageerta u adkaysiga cimilada, maaraynta biyaha, iyo isku xirka beeraleyda miyiga ah iyo suuqyada gudaha iyo dibedda.

Wuxuu sidoo kale xusay in Soomaaliya ay dhamaystirtay geeddi-socodkii cafinta daynta (HIPC), taasoo keentay xorriyad dhaqaale oo fursad u siineysa in la helo maalgelin waqti dheer ah oo lagu horumariyo beeraha.

Soomaaliya ayaa raadinaysa iskaashi ku saabsan beero dijitaal ah, agab beeraley, iyo marinno ganacsi oo xuduudaha ka gudba. Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in dib-u-habaynta nidaamka cuntada aysan ahayn arrin dhaqaale oo keli ah balse ay tahay:“Caddaalad, badbaado, iyo madax-bannaani.”

Shirka UNFSS+4 oo ay martigelinayaan Itoobiya iyo Qaramada Midoobay ayaa isugu keenay daneeyayaal caalami ah si dib loogu qiimeeyo horumarka laga gaaray isbeddelka nidaamyada cuntada, iyadoo lagu saleynayo Yoolalka Horumarka Waara ee 2030-ka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here