Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo lagu horumarinayo tayada wax-soo-saarka beeraha iyo sugnaanta cuntada, iyadoo si rasmi ah loo daahfuray Xarunta Casriga ah ee Shaybaarka Tijaabada Beeraha ee hoostagta Adeegga Kormeerka iyo Xakamaynta Beeraha Soomaaliyeed (SARIS).
Xaruntan cusub oo uu furay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa ujeedadeedu tahay in la xoojiyo kaabeyaasha beeraha, isla markaana la xaqiijiyo tayada alaabaha beeraleyda Soomaaliyeed ay adeegsadaan.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay in xaruntan cusub ay qeyb ka tahay ballanqaadka dowladda ee ah horumarinta dhaqaalaha beeraha iyo ilaalinta deegaanka. Waxa uu xusay in xaruntu ay tahay xaruntii ugu horreysay ee noocan ah ee dalka laga hirgeliyo.
“Laga bilaabo maanta, cid kasta oo dalka keeneysa bacrimo ama sunta cayayaanka waa inay marka hore keentaa sheygaas si looga baadho xaruntan. Kaliya marka uu sheygu ka gudbo imtixaanka la ogolaan doonaa in dalka lagu isticmaalo,” ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Shaybaadhka SARIS, oo si rasmi ah loo furay bishii May 2025, ayaa noqonaya tiir-dhexaadka nidaamka sharciyeynta cusub ee beeraha, waxuuna u gogol xaarayaa isbeddel joogto ah oo lagu xoojinayo wax-soo-saarka dalka.