Saturday, April 26, 2025

Booliska Baargaal oo gacanta kusoo dhigay Doomo la afduubtay

Soohoyde

Baargaal, Raas Caseyr – Taliska Booliska degmada Baargaal ee gobolka Raas Caseyr ayaa ku dhawaaqay inay si buuxda ula wareegeen gacanta laba doomood oo ay kooxo hubeysan horey uga qabsadeen xeebaha degmada.

Labada doomood iyo shaqaalihii la socday ayaa dib u helay xoriyadooda kadib markii kooxihii qabsaday ay si nabad ah dib u fasaxeen. Doomaha lasoo furtay ayaa la socday 12 shaqaale isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, iyadoo milkiyadooda ay leeyihiin ganacsato kasoo jeeda deegaanada Somaliland, sida ay xaqiijiyeen ciidamada booliska deegaanka.

Mid ka mid ah naaquudayaasha doomaha oo la hadlay telefishinka Puntland ayaa sheegay in kooxaha doomaha qabsaday aysan wax dhibaato ah u geysan shaqaalihii la socday, balse ay si nabad ah usoo fasaxeen.

Taliska degmada Baargaal ayaa tilmaamay in sababta keentay qabsashada doomahan ay la xiriirto dhacdo horey uga dhacday degmada Laasqoray, halkaas oo laba doomood oo ay lahaayeen reer Baargaal laga kaxeystay. Taliska ayaa intaas ku daray in kooxaha hubeysan ee doomaha qabsaday ay ficilkooda uga jawaabayeen dhacdadii ka dhacday Laasqoray.

Laba doonyood oo lagu qabsaday shalay degmada Baargaal, ciidan beeleed ay qabsadeen, sababta ay u qabsadeena ay tahay iyaga oo u aaneynaya laba doomood oo reer Baargaal ay leeyihiin oo laga kaxeystay marsada degmada Laasqoray, arrintaa ayagoo ka falcelinaya ayay laba doomood qabsadeen.” ayuu yiri taliye Maxamuud Aadan Maxamed

Ugu dambeyn, ciidamada booliska degmada Baargaal ayaa digniin kasoo saaray falalka noocan oo kale ah ee carqaladeyn kara isku socodka ganacsiga bulshada, iyagoo maamulka Somaliland ugu baaqay inay si dhow uga feejignaadaan arrimahan.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan degmada Laasqoray kooxo hubeysan ay ka qabsadeen doomo halkaasi ku xirnaa, kuwaas oo ugu dambeyn lasoo fasaxay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here