Jigjiga, Itoobiya – Magaalada Jigjiga ayaa Shalay martigelisay shir lagu falanqeeyay suuq-geynta xoolaha, iyadoo kulankaasi lagu eegayay fursadaha kobaca dhaqaalaha xoolaha, caqabadaha jira, iyo xoojinta iskaashiga bahwadaagta horumarinta xoolaha.
Shirka oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka kala socday heer federal iyo mid deegaan, maamulka degmooyinka, iskaashatooyinka xoolaha, iyo hay’adaha taageera horumarinta dhaqaalaha miyiga, ayaa lagu soo bandhigay warbixino muhiim ah oo la xiriira xaaladda suuq-geynta xoolaha iyo fursadaha horumarineed ee ka jira deegaanka.
Wasiirka Xafiiska Horumarinta Xoolo Dhaqatada ee DDS, Cabdulqaadir Iimaan, ayaa sheegay in loo baahan yahay in caqabadaha taagan si wadajir ah loogu wajaho, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashi buuxa oo dhex mara hay’adaha dowladda, ururrada xoolo-dhaqatada, iyo hay’adaha taageera horumarka deegaanka.
“Waxaan sameynay barnaamijka dib-u-habeynta beeraha si aan u lafa-gurno dhibaatooyinka naga heysta dhinacyada beeraha iyo xoolaha, hase yeeshee caqabado badan ayaa weli hortagan,” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Iimaan.
Sida uu sheegay xafiiska warfaafinta DDS xoolaha ayaa ah laf-dhabarta dhaqaalaha Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo guud ahaan dalka Itoobiya, oo ah waddanka ugu xoolaha badan Afrika, kuna jira kaalinta shanaad ee dunida. Deegaanka Soomaalida ayaa lagu qiyaasaa inuu hoy u yahay ku dhowaad 41 milyan oo neef, taasoo ka dhigaysa mid kamid ah meelaha ugu waaweyn ee xoolo-dhaqashada.
Shirkan ayaa la filayaa inuu horseedo qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu horumarin karo suuq-geynta xoolaha, looguna adeegayo xoolo-dhaqatada deegaanka Soomaalida si ay uga faa’iidaystaan ilaha dhaqaalaha ee ay haystaan.