Sunday, December 22, 2024

Suuriya oo Asad la’aan ah iyo Jabhadihi oo isku soo haray

Dimishaq (Dawan)- Ugu dambeyn Bashaar Al-asad waa dhacay. Inuu dhintay iyo inuu dibadda u cararay ayaa la isla dhax maraya basle ma jirto cid haysa xaqiiqda dhabta ah. Waxaa lasoo afjaray 61 sano oo xisbiga “Arab Socialist Ba’ath Party” soo xakumayay Suuriya. Kooxo hubeysan ayaa xoog ku galay caasimadda Dimishaq, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay muuqaalo lagasoo duubay qasriga madaxtooyada iyo xaruma kale oo ay ku sugayihiin dad rayid ah oo dabbaal degaya.

Way adagtahay in la saadaaliyo mustaqbalka Suuriya iyo dariiqa ay mari doonto balse waxaa jirta cabsi badan oo laga qabo sida ay kooxaha hubeysan ee kala fikirka ah u midoobi karaan si loo dhiso dowlad dib usoo celisa shacabka Suuriya ee u kala qaxay daafaha dunida.

Sidee ugu fududaatay kooxaha hubeysan inay ridaan Asad?

27-kii November ee la soo dhaafay, dunidu waxay kusoo toostay weerar ballaaran oo kooxda la magac baxday “Hay’at Taxriir al-Sham” iyo xulafadeeda ay kusoo qaadeen saldhigyada ciidanka dowladda ay ku lahaayeen magaalada Idlib ee waqooyi-galbeed ee Suuriya.

Wax yar ka dib, magaalada Xalab ayaa gabi ahaanba lala wareegay ka dib markii ay isaga baxeen ciidamada Suuriya iyo taageerayaasheeda Iiraan.

Magaalooyiinka Xamaa iyo Xumus ayaa xigay oo soo galay gacanta kooxaha hubeysan kadibna waxay u dhaqaaqeen caasimadda oo ugu dambeyn lala wareegay subaxnimadii maanta oo Axad ah.

Jabhadaha hubeysan ee isagu soo haray Suuriya

Kooxda Taxriir al-Sham ee ah kooxda hadda hogaaminasya dagaalkaan dib usoo cusboonaaday waxay horay uga tirsanaa jirtay ururka Al-Qaacida, balse waxay muddo kadib sheegtay inay tahay tahay koox qunyar socod ah si ay u hesho taageero caalami ah iyo garab istaagga shacabka Suuriya.

Magaca kooxda waxaa ku hoos jira dhowr kooxood oo ka midaysan in xukuknka laga tuuro Bashaar Al-Asad.

Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa horay ugu daray liiska madow ee argagixisada.

Abuu Maxamed al-Juulaani oo isaga gooshay kooxaha Daacish iyo Al-Qaacida ayaa ah hoggaamiyaha kooxdaan. Waa nin kasoo dagaalmay Ciraaq iyo Suuriya isaga oo ka tirsan kooxahaas balse markuu magac sameeyay ka furtay. Magaciisa saxda ah, goobta iyo xilliga uu dhashay iyo xitaa meesha uu kasoo jeedo asal ahaan, waxaa ku jira mugdi badan sida ay sheegtay BBC.

Nnkii Mareykanku madaxiisa dul dhigay 10 malyan oo dollar, hadda waxa uu u muuqda hoggaamiyaha cusub ee Suuriya, waxaana saf ugu jira warbaahinta reer-galbeedka si ay wareysi ula yeeshaan. Waxaa lawada sugaya tallaabada xigta ee uu qaadi doono kadib markuu gacanta ku dhigay caasimadda.

Khubarada sida hoose ula socda isbedelka Suuriya, waxay aamisanyihiin in kooxdan ay taageero ballaaran ka heshay reer-galbeedka iyo dowlado gobolka ah taas oo u suurta gelisay inay si fudud xilka uga tuuraan Bashaar Al-Asad maalmo kooban.

ِCiidamada Dimuquraadiga ah ee Suuriya (Kurdiyiinta)

Dhanka bariga waxa gacanta ku haya dagaalamayaasha ciidamada Dimuquraadiga ah ee Suurriya oo ay laf-dhabarka u yihiin Kurdida, waxay dhawaan la wareegaan Gobolka Deyruzuur.

Magaalada Raqa iyo gooba kale oo ka tirsan bariag dalka, iyaga ayaa maamulayay sanadihii ugu dambeeyay. Kooxdaan waxay taageero dadbadan ka heshaa Mareykanka.

Ciidamada Xorta ah ee Suuriya

Ciidamada Xorta ah ee Suuriya waa dagaalamayaal kale oo taageera ka hela dowladda Turkiga, waxayna gacanta ku hayaan inta badan magaalada Xalab balse maalmihii ugu dambeeyay waxay la wareegeen dhul kale oo ballaaraan oo ay ka mid tahay magaalada Tal Rifcat iyo hareeraheeda .

Kooxdaan waxay inta badan baacsataa dagaalamayaasha ciidamada Dimuquraadiga ah ee Suurriya oo ay dowladda Turkigu u aqoonsantahay argagixiso.

Daacish iyo Al-Qaacida

Daacish iyo Al-Qaacida ayaa iyaguna ka mid ah kooxaha hubeysan ee ka dagaalama gudaha Suuriiya inkasta oo la wiiqay awooddii ay ku lahayaaeen Suuriya iyo guud ahaan gobolka.

Kooxo kale oo hubeysan

Suuriya waxaa ka socday 13 sano ee lasoo dhaafay dagaal sokeeye taasina waxay keentay in ay abuurmaan kooxa kala duwan oo hubeysan kuwaas oo qaarkood ay ka imaadeen dibadda.

Deegaanada qaar waxaa ka jira dagaalamayaal kasoo horjeeda dowladda halka a sidoo kale ay jiraan maleeshiyaad hubeysan oo raacsan dowladda kuwaas oo qaarkood laga keenay dibadda.

Dhamaan kooxahaas maanta waxay ku wada suganyihiin gudaha Suuriya iyaga oo qaarkood ay isku yihiin cadaw, waxaana suurtagal ah inuu dhaco dagaal dhaxdooda ah sida looga bartay dowladaha burburay.

Halkee ku dambayn doonto Suuriya? Aan u dhaafno maalmaha soo socda

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here